Senegal: Gabadhii Diiday In Ay Hoos Fadhiisato Calanka Soomaaliya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay
June 23, 2019 - Written by admin

    

Qadiyadu waa cajiib 😂 dad badan dhiigaa dhaqaaqsan ( calanka yagii) inta kalena Somaliland tayadii

Subxaan inantu xasarada iyo dad danbaajinta maxay ku fashay ileen aniga way ila xalin karaysaye in kastoo meeshiiba lagu xaliyay

Anigu qadiyadaha siyaasadaysan ama qabiilaysan waa iga xaaran waligayna ma galin

Marka aad meel ka socoto in aad ku dhex laaqanto maaha kolba waxa meesha ka socda, somaliland wadan layidhaa ayaan ku noolahay mudo badana ku nabad iyo caano maalay, somaliland waa dhulka aan wax ku noqday meel kale waxba iima sheegan karto, maalintaan meel gaadhay ee laygu casumay meelaha ugu sareeya aduunka daafihiisa kuma caasin karo, waaba nacasnimo (somaliyana waxba uma qabo oo waxba imay yeelin)

Wixii meesha ka dhacay ( somaliland ahaan ayaa laygu casumay invitation kii waan hayaa, even list ka dadka casuman ee Somalia iyo Somaliland kala meel ayay ku qornaayeen), markii aan soo galay inankii i waday hore ayaanu conference kii kigaali ugu kulanay waanuu ogaa in aan somaliland ka socdo, markaan miiskii dul nimi somalia kali ah ayaa taalay, cidlana wuu ahaa ( waxay tidhi waan fadhiyay) waxaan ku idhi fadhiisan maayo, wuxuu igu yidhi i yar sug , markuu igu soo noqday wuxuu ii sheegay inayna cidiba ka joogin Somalia ee aan fadhiisan karo, calan kiina wuu qaaday si somaliland tag geedii loogu soo qaado, markaa ayaan fadhiistay, aniga oo fadhiya laba qofoo kalena markhaati yihiin ayay gabadhani na soo dul istaagtay, ka dib waxaan ku idhi calankii waa la qaaday maxaa yeelay waxaa layidhi ma joogtaan, gabadhii way cadhootay ( gar ayay u leedahay) wayna iga tagtay, ana inankii ayaan baadi doon ugu dhaqaaqay si aan u xaliyo, qolodii meesha qaban qaabinaysay ayaa soo raacday, ka dibna waa nala kala kaxeeyay (qoraal ka Somaliland waa lay keenay lakin jeebka kalama soo bixin siday sheegtay), midba kursi la fadhiisiyay lakin yada hadalo ka soo baxay markaa may qorin oo ahaa “somaliland wadan maaha waligeed ma noqonayso, waa in aad nadaba fadhiisataan iyo hadalo aanan ka filanayn gabadh somali Irish ah oo passport ka Irish ka ku faanaysay; waxaan ugu jawaabay indhahaaga oo shana ayaa somaliland wadan noqon doontaa” waa hadalkii ugu danbeeyay ee aanu is dhaafsano waxaa xigtay posts kii maanta iyo maqaalkii unethical ka ahaa ee magacayga iyo sawirkaygaba la isticmaalay si bilaa akhlaaqa

Bartayda twitter ka waxaan ku cadeeyay inaan qadiyadan ku jirin oo mid ka wayn ii taalo, halkan Facebook maalintii waxaan idinla wadaagay in lay cunsuriyadeeyay lakin in aan qof soo hadal qaadaa waa xaraan oo akhlaaqdayda ayaanan isiinayn inan somaaliyeed magaceeda sheegsheeg

Intiina leh passport somali ayay sidatayna mariam oo Senegal ku gashay in aad been isku maaweeliseen ogaada

Inantii intay doonaysay heshay oo way isku soo caan saartay anigana way iigu sii biirisay intaydii😂

Facebook gayga iyo Twitter kayga ayaa ka dheerayn og ee warbaahin isticmaali maayo ee intan ayaan ku soo gabagabaynaa wixii maanta oo dhan la qaadaa dhigayay

أستغفر الله

COMMENTS
Latest News