Caasimada Labaad ee UK Oo Aqoonsi Caalamiya Siisey Somaliland
July 8, 2019 - Written by admin

Magaalo madaxda labaad ee dalkan Boqortooyada Ingiriiska Birmingham City, ayaa maanta aqoonsi Caalami ah siisey Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 2 people, people sitting

Gollaha degaanka ee Birmingham City, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey inay Jamhuuriyada Somaliland u aqoonsada dal madax-banaan oo ka mid ah dalalka caalamka. Waxaanay noqoneysaa magaaaladii 3-aad ka mid ah magaalooyinka UK ee aqoonsi caalami ah siisa Somaliland, iyadoo hore ay u aqoonsadeen golayaasha degaanka ee Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlet.

Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting

Go’aanka golaha degaanku qaateen waxa uu ku yimid dedaal ay sameeyeen Jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham City iyo sumcada Somaliland ay beesha caalamka ku kasbatey oo ka dhigtey shamac ka dhex ifaya mandaqada Bariga Afrika.

Image may contain: one or more people

siisa aqoonsi caalamiAqoonsiga ay Birmingham City

Waa , magaalada labaad ee Britain, oo Somaliland maanta aqoonsi caalamiya siisay.

COMMENTS
Latest News