Gabileynewsonline.com
Shirkii Beesha Habar Jeclo Ee Waddanka Belgium Iyo Qodabada Ka Soo Baxay
July 8, 2019 - Written by admin
Shirkii Beesha Habar Jeclo Ee Waddanka Belgium Iyo Qodabada Ka Soo Baxay
Shir Ay Isugu Yimaadeen Jaaliyada Beesha Habar Jeclo Ee Wadanka Ee Belgium Ayaa Ka Qabsoomay Caasimada Wadanka Ee Brussels 06/07/2019 Shirkan Ahaa Shirkii Ugu Weynaa Ee Beeshu Isugu Timaaado Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Aqoonyahanka, Wax Garadka Dhalinyarada Iyo Haweenka Shirkan Oo Si Aad Weyn Loo Soo Agaasimay Loogana Yimi Dhamaan Gobolada Dalku Ka Koobanyahay Ugu Horayn Waxaa Goobtaa Warbixin Ka Jeediyay Gudida Beesha Oo Mudo Xilka Soo Haysay Iyagoo Ka Warbixiyay Mudadii Ay Xilka Hayeen Wixii U Qabsoomay Iyo Guulaha Ay Gaadheen Iyo Waliba Halkay Immika Wax Marayaan Gudidu Waxaa Kale Oo Goobta Ka Sheegeen Wixii Qaadhaan Ah Ee Soo Galay Iyagoo Dadka Farta Ugu Fiiqay Meelaha Ay Wax Ku Baxeen Iyo Dadkii Lagu Caawiyay Iyo Immika Waxay Gacanta Ku Hayaan Waxaa Kaloo Halkaa Lagu Falanqeeyay Baahiyaha Kala Duwan Ee Bulsho Aan Aynu Dabooli Karno Dalkan Iyo Sida Wadankii Wax Loo Tarilahaa Shirka Waxaa Mudo Afar Saacadood Ka Badan Socday Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Ay Soo Jeedinayeen Ka Soo Qaybgalayaasha Halkaasoo Lagu Lafo Guray Qorshayaasha Mustaqbalka Fog Iyo Kuwa Immika Taagan Sharka Waxaa Looga Mahad Celiyay Gudidii Hore Iyo Gudoonkoodii Iyada Oo Lagu Amaanay Hawsha Fiican Ee Ay Soo Soo Qabteen Isla Maanta Waxaa Xilkii Goobtaa Ku Wareejiyay Gudidii Hore Ee Beesha Oo Xilku Ka Dhamaaday Waxaana Markiiba La Doortay Gudi Cusub Oo Halkaa Ka Sii Wada Hawsha Ugu Dambayn Shirkan Waxaa Ka Soo Baxay Qodobadan Hoos Ku Qoran “In Hawshii Halkeedii Laga Sii Wado Dardar Cusub La Galiyo In La Xoojiyo Iska Warhaynta Iyo Isku Xidhnaanta Beesha “In Si Weyn Loola Shaqeeyo Gudida Cusub Ee Maanta Xilka La Wareegay “In Lagu Biiro Ururka Aaska Ee Ay Ku Midaysanyihiin Bulshada Reer S/land “In La Raadiyo Sidii Laysugu Keeni Lahaa Bulsha Reer Somaliland Ee Wadanka Ku Nool Iyadoo Jaaliyadii Guud Ee U UmaddaKa Dhexaysa La Garab Istaago Lagana Qaybqaato Maalmaha Qaranka Ee La Xuso Ugu Dambayn Shirku Ku Wuxuu Taageero Aad U Weyn U Muujinayaa Safarkii Madaxweynaha S/land Ku Tagey Wadanka Gini
Allaa Mahad

COMMENTS
Latest News