Gabileynewsonline.com
Shirkii Beesha Habar Jeclo Ee Waddanka Belgium Iyo Qodabada Ka Soo Baxay
July 8, 2019 - Written by admin
  • Today

  • Yesterday

  • Earlier in July

QatarAirways

Premium Summer offer from €2069Discover our Business Class offer
Shirkii Beesha Habar Jeclo Ee Waddanka Belgium Iyo Qodabada Ka Soo Baxay
  • Alamzey News
    Jul 8 at 1:11 PM
    Shir Ay Isugu Yimaadeen Jaaliyada Beesha  Habar Jeclo Ee Wadanka Ee Belgium Ayaa Ka Qabsoomay Caasimada Wadanka Ee Brussels 06/07/2019

    Shirkan Ahaa Shirkii Ugu Weynaa Ee Beeshu Isugu Timaaado Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Aqoonyahanka, Wax Garadka Dhalinyarada Iyo Haweenka
    Shirkan Oo Si Aad Weyn Loo Soo Agaasimay Loogana Yimi Dhamaan Gobolada Dalku Ka Koobanyahay

    Ugu Horayn Waxaa Goobtaa Warbixin Ka Jeediyay Gudida Beesha Oo Mudo Xilka Soo Haysay Iyagoo Ka Warbixiyay
    Mudadii Ay Xilka Hayeen Wixii U Qabsoomay Iyo Guulaha Ay Gaadheen
    Iyo Waliba Halkay Immika Wax Marayaan
    Gudidu Waxaa Kale Oo Goobta Ka Sheegeen Wixii Qaadhaan Ah Ee Soo Galay  Iyagoo Dadka Farta Ugu Fiiqay Meelaha Ay Wax Ku Baxeen Iyo Dadkii Lagu Caawiyay Iyo Immika Waxay Gacanta Ku Hayaan
    Waxaa Kaloo Halkaa  Lagu Falanqeeyay Baahiyaha Kala Duwan Ee Bulsho Aan Aynu Dabooli Karno Dalkan Iyo Sida Wadankii Wax Loo Tarilahaa
    Shirka Waxaa Mudo Afar Saacadood Ka Badan Socday Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Ay Soo Jeedinayeen Ka Soo Qaybgalayaasha Halkaasoo Lagu Lafo Guray Qorshayaasha Mustaqbalka Fog Iyo Kuwa Immika Taagan
    Sharka Waxaa Looga Mahad Celiyay Gudidii Hore Iyo Gudoonkoodii Iyada Oo Lagu Amaanay Hawsha Fiican Ee Ay Soo  Soo Qabteen

    Isla Maanta Waxaa Xilkii Goobtaa Ku Wareejiyay Gudidii Hore Ee Beesha Oo Xilku Ka Dhamaaday
    Waxaana Markiiba La Doortay Gudi Cusub Oo Halkaa Ka Sii Wada Hawsha
    Ugu Dambayn Shirkan Waxaa Ka Soo Baxay Qodobadan Hoos Ku Qoran

    “In Hawshii Halkeedii Laga Sii Wado Dardar Cusub La Galiyo
    In La Xoojiyo Iska Warhaynta Iyo Isku Xidhnaanta Beesha
    “In Si Weyn Loola Shaqeeyo Gudida Cusub Ee Maanta Xilka La Wareegay
    “In Lagu Biiro Ururka Aaska Ee Ay Ku Midaysanyihiin Bulshada Reer S/land
    “In La Raadiyo Sidii Laysugu Keeni Lahaa Bulsha Reer Somaliland Ee Wadanka Ku Nool Iyadoo Jaaliyadii Guud Ee U UmaddaKa Dhexaysa La Garab Istaago Lagana Qaybqaato Maalmaha Qaranka Ee La Xuso

    Ugu Dambayn Shirku Ku Wuxuu Taageero Aad U Weyn U Muujinayaa Safarkii Madaxweynaha S/land Ku Tagey Wadanka Gini

    Allaa Mahad Leh..
    Mohamed Sulub

COMMENTS
Latest News