Sababta Carruuraha Qaar U Jecelyihiin Dib-U Khariska Duruustooda, Kuwo Kalana Aan Loogu Taag Helin
July 12, 2019 - Written by admin

– Marar badan ayaa ay dhacdaa in waalidku uu ku guuldarraysto in uu ilmihiisa ku qanciyo daraasaynta iyo dib u akhriska casharada iyo waajibaadka dugsiga. Waxa aanu warwarku kugu sii badanayaa, marka ay cabasho heerka waxbarasho ee ilmaha ku aaddani kaaga timaaddo macallinka, ama aad dareento in ilmahaagu uu ka waxbarasho hooseeyo carruurta kale ee faciisa ah.

Marar badan waalidku waxa uu ilmihiisa ku eegaa tallaabooyin ciqaab iyo cabsi gelin ah, isaga oo filaya in ay wax ka beddelaan gaabiska uu ilmuhu samaynayo ee dhinaca waxbarashada. Waxa ay khubaradu sheegayaan in aanay fiicnayn in ilmaha lagu dayo cabsi gelinta iyo haddidaada si uu u wanaajiyo waxbarashadiisa. Waa run in cabsigelinta iyo ciqaabtuba ay ilmaha ku qasbi karaan in uu dadaalo, laakiin cilmibaadhisaha la sameeyey dhammaantood waxa ay muujinayaan in ay taasi muddo gaaban tahay. Waxaa iyaduna dhacda in waalidka qaar uu qaato nidaam ah in uu ilmaha abaalmarinno siiyo, iyada lafteeduna waa xal kale oo ku meelgaadh ah, kasa oo laga yaabo in ilmuhu muddo kooban isbeddelo kaddibna halkiisii ku noqdo. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin waalidka xaaladdan oo kale ku jira ka caawin kara in uu ilmihiisa ku dhiirrigeliyo dadaalka waxbarashada iyo niyad u haynta dib u eegista duruusta.

Dr. Keith Roberts oo ka tirsan shabakadda cilminafsiga ka faalloota ee ‘Psychology today’ ayaa sheegtay in hababka ugu waxtarka badan ee ilmaha lagu dhiirrigelin karo waxbarashadu waa in ilmaha si deggen oo xiise gelin ah looga warramo natiijada u dambaysa ee waxbarashada iyo midhaha uu ka guran doono. waxa ay ku talisay in waalidku uu ku dadaalo in uu mar kasta isku xidho nolosha fiican iyo waxbarashada, ilmahana u gudbiyo sheekooyin iyo dhacdooyin marag ka ah in aanay nolosha fiicani aqoon ka maarmayn. Tallaabadan ayaa ay Keith sheegaysaa in ay ka waxtar badan tahay habka ah in ilmaha ciqaab la mariyo ama in ilmaha abaalmarinno loo sameeyo.

Marka uu ilmuhu fahmo in riyo kasta oo fiican oo uu leeyahay ay ku xidhan tahay hadba inta ay aqoontiisu gaadho, ayaa uu isaga oo aan cabsi iyo damac abaal midna wadin uu bilaabayaa dadaal ah in uu ku faano hadba heerka waxbarasho iyo darajada uu imtixaanaadka ka gaadho.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in ilmuhu marka uu dugsiga hoose dhammaystaba uu waalidku siiyo fursad uu markaas ku sii dooran karo mustaqbalkiisa, iyo aqoonta uu doonayo in uu ku meel maro. Waxa kale oo muhiim ah in ilmaha lagu dhiirrigeliyo in uu waqtigan ka sii fikiro sida ugu habboon ee uu jeclaan lahaa in ay noloshiisa mustaqbalku noqoto. Iyo jidka uu u marayo in uu gaadho waxa uu hiigsanayo. Waxaa ilmaha la siiyaa waajibaad iyo shaqooyin maalinle iyo bille ah oo uu ugu dhowaan karo mustaqbalka uu hiigsanayo. Waalidku waa in uu awood u leeyahay in uu ilmihiisa isugu xidhi karo waxa uu mustaqbalka doonayo in uu noqdo iyo muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay arrintaas.

Waalidku waa in uu is baro dabeecadda ah in ilmaha uu wax la akhristo.

Waa in uu ku dadaalo in uu calaamadiyo maalin la yaqaanno oo qoyska oo dhami wax akhristo.

Waalidku waa in uu gurigiisa ka buuxiyaa maaddooyinka akhriska, sida majaladaha, wargeysyada iyo kutubta kala duwan.

Waalidku waa in uu baadho maadadda ama waxa uu ilmihiisu jecelyahay in uu akhriyo, kaddibna uu taas uun ku dhiirrigeliyaa.

 

COMMENTS
Latest News