Gabileynewsonline.com
Maamulka Somaliya Oo Guul-daro Kala Kulmay Codsi Uu u Gudbiyay Dawlada Ingiriiska Oo Ku Saabsan Safaarada S/land ku Leedahay Dalkaas
July 14, 2019 - Written by admin

Marsanews) Wasiirka wasaarada arimaha dibada maamulka somaliya, Cawad oo ku sugan cariga ingiriiska ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay qorshe uu kaga dalbaday dawlada ingiriiska in safaarada somaliland ee wadankaasi ka furan guud ahaan ba la xidho.

Wasiir Cawadka maamulka somaliya ayaa hungo kala kulmay dalabkaa uu u gudbiyay dawlada ingiriiska, kadib markii uu ka socon waayay codsigaasi oo dawlada wadanka ingiriiska, si cad ugu gacansaydheen.

Sida ay ilo-wareedada arintaa u dhuun daloola noo xaqiijiyeen, waxa wasiir cawad uu qorshahiisa fashilmay u badalay sidii uu jaaliyada somaliya ee wadankaasi degan u abaabuli lahaa kuna dhiirigalin lahaa inay sameeyaan mudahraado ay kaga soo horjeedaan safaarada somaliland ee wadankaasi ingiriiska, iyo hawlkasta oo jaaliyada reer somaliland ay ku taageerayaan qadiyada madax-banaanida wadankaaod in ay wax ku lidi ah sameeyaan.

Safiirka somaliland u qaabilsan wadankaasi ingiriiska Ayaan Cashuur oo la sheegay inay haatan dalka ku sugan tahay ayaa la soo warinayaa inaanay arimahaasi waxba kala socon, sidoo kale xukuumada ayaan iyaduna dhinaceeda wax dhaqdhaqaaqa oo arimahaasi la xidhiidha aan qaadin.

Maamulka taagta daran ee somaliya ayaa mudooyinkan danbe ku mashquulsan sidii ay somaliland u carqaladayn lahaayeen jiritaankeeda iyagoo isku dayo farobadan sameeyay balse aanay waxba uga suurta galin, dhanka kalena saacad kasta uu ka dhacayaan dilal iyo qaraxyo muqdisho badhtankeeda oo aanay wax itaala u lahayn sidii ay umadooda xasilooni iyo nabadgelyo ugu soo dabaali lahaayeen.

dhawaan ayay ahayd markii waftigii madaxwayne biixi ee wadanka Guinea safarka shaqo ku tagay islamarkaana hab-maamuska aadka u sareeyay loogu soo dhaweeyay, ay maamulka somaliya ka xumaadeen, saska iyo jahawareerkana ka qaadeen, islamarkaana sheegeen in wadanka Guinea ay xidhiidhka u jareen iyagoo aan garanayn ba inuu wadankaa xidhiidh ka dhaxeeyo iyo in kale.

Waxa iyana jirta in ay maamulka farmaajo uu isku dayay in la hor istaago xoolihii ka dhoofay dekada berbera oo iyaga maanta si toosa uga dagay wadanka sucuudiga.

Guud ahaan hawlahaasi oo dhan oo ay maamulka somaliya ee taagta darani isku dayeen waxa ay ku soo gabagaboobeen guuldaro iyo faashil, balse waxa ay noqotay hawlo shacbiga reer somaliland dib u xasuusiyay gumaadkii iyo xasuuqii xukunkii siyaad bare u gaystay umadan reer somaliland, ee halgan dheer ee qadhaadh u soo galay madax banaanidooda, islamarkaana noqday qaran taabagalay oo aayahiisa gaar uga tashaday samaystayna maamul dhamaystiran oo guud ahaan ba somaliland ka tisqaaday shaqaynayayna mudo 28sano, islamarkaana xidhiidho kala duwan la leh wadamo badan oo caalamka ka tirsan.

COMMENTS
Latest News