Gabileynewsonline.com
Xisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan loogu xad-gudbin
August 5, 2019 - Written by admin

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo
saxaafadda la hadlay maalintii Sabtida ayaa ku dooday in ninka jabhadka ah ee la
yidhaahdo Caare uu yahay farac ka mid ah xisbiyada WADDANI oo ka mid ah saddexda
xisbi qaran ee dalku leeyahay. Wax sahlan maaha in xisbi qaran oo dastuuri ah, kuna
dhisan sharci baarlaman ansixiyey si fudud loogu eedeeyo inuu xidhiidh la leeyahay jabhad
hubaysan oo qori iyo dagaal kala hortimid qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Ururrada & Axsaabta Siyaasadda ee xeer Lr.
14/2011, waxay xisbiyada qaranka ku waajibiyeen inay u hoggaansamaan dastuurka,
xeerarka iyo hannaanka dimuqraaddiyadda, iyadoo aanay u bannaanayn inay ku kacaan
waxkasta oo wax u dhimaya midnimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland,
dhammaanshaha dhul ahaaneed (Sovereignty) iyo nabadgelyada guud ee dalka.
Sida ku cad qodobka 20-aad ee xeer Lr. 14/2011, xisbiyada qaranku waxa ay leeyihiin
qaanuuniyad sharci (legal personality) oo xisbiga qaran magaciisa ayaa lagu dacwayn
karaa ama magaciisa ayuu wax ku dacwayn karaa, waxaanna xisbiga WADDANI u
bannaan in isagoo raacaya shuruucda dalka uu dacwad ku soo oogo ama uu maxkamad
sharci ah la galo Wasiirka Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, maadaama oo uu
xisbigooda ku eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan halis ku ah amniga iyo
qarannimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu Wasiirkuna xaq u leeyahay inuu
dacwaddaas si sharci ah iskaga difaaco oo uu keeno wixii uu caddaymo u hayo eedaynta
uu u jeediyey xisbiga WADDANI.
Hasayeeshee, masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu
ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI waxay saxaafadda mariyeen hadallo
ay ugu jawaabeen Wasiirka Warfaafinta, iyagoo ay muuqato inay si buun-buunin ah
arrintaas uga hadleen, isla markaana ay u jawaabeen si aan ku habboonayn curfiga iyo
nidaamka xisbinimo, kuwaasoo xusay waxyaabo aannu Wasiirka Warfaafintu sheegin,
soona hadal-qaadin, sida; ‘xisbiga WADDANI waa Soomaali-weyn…’ “Wasiirku waxa uu
aaminsan yahay in ciidanka qaranka inta ay isku haybta yihiin Guddoomiyaha WADDANI ay
u shaqeeyaan Cabdiraxmaan Cirro…’ weedhahaasi kumay jirin hadalka Wasiirka,
masuuliyiinta xisbiga WADDANI, gaar ahaan Xoghayaha Guud-na may qurux badnayn inuu
sheego, kana dhigo hadal ka soo baxay Wasiirka.
Dhinaca kale, Masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiinta kale ee Wasiirka u jawaabay
dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan degaanka uu ka soo jeedo Guddoomiyaha

WADDANI, tusaale ahaan Xoghayaha Guud ee WADDANI, siyaasiga Ismaaciil Hure
Buubaa iyo Cabdillaahi Geel-jire, taasina waxay bixinaysaa sawirka kale, maadaama ay
Wasiirkana isku degaan yihiin Madaxweynaha, waxaanna habboonayn in si xisbinimo ah
Wasiirka loogu jawaabo, iyadoo aynu ognahay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi qaran
oo ay hoggaankiisa iyo guddidiisa fulintaba ku jiraan siyaasiyiin reer Somaliland oo dhan ah,
balse ma qurux badna in kolba shidhka hore soo fadhiistaan inta ay Guddoomiyaha isku
haybta yihiin, taasina waxay sawir xun ka bixinaysaa xisbiga qaran.
Xisbiyada qaranku (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) ha aaminaan xisbinimadooda iyo
awoodaha sharci ee ay leeyihiin, hana ka hoos baxaan shaadhka ama hadhka qabiilka iyo
degaamaysiga ah. Cidda xad-gudub kula kacda sifo sharci ah ha iskaga difaacaan, iyagoo
adeegsanaya qaanuuniyadda sharci (legal personality) ee ay leeyihiin, waanna in xisbiyadu
bulshada jiheeyaan, balse ma fiicna in xisbiyadu daba-socod u noqdaan dadka caamada ah
ee hannaanka qabiilnimo ku xoogsada.
By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News