Gabileynewsonline.com
Waxan ku soo arkay dalkii maalin ku taajir iyo miskiin u shaqeeya
August 6, 2019 - Written by admin

Waxan ku soo arkay dalkii maalin ku taajir iyo miskiin u shaqeeya
Anigoo dhawaan ka imid dalkii hooyo ee Somaliland oo aan inta badan tago waxan jecelahay in aan idinla wadaago wixii aan ku soo arkay. Waxan insha allah isku dayi doonaa in aan idiin soo bandhigo dhawr maqaal oo taxane ah. Maadaama aan bartay cilmiga dhaqaalaha waxan ku bilaabayaa dhinaca dhaqaalaha. Waddanka waxa ka socda ganacsi xoog leh oo kala duwan oo si aad ah u koraya sannad walba. Waxad arkaysaa dad badan oo ganacsato ah oo si degdeg ah faa´iido badan ku helaya ilaahay ha u siyaadiyee. Shirkadaha caalamku waxay ku xisaabtamaan macaash celcelis ahaan ah 10 % sannadkii, laakiin Somaliland waxa shirkadaha iyo ganacsatada qaarkood ay helaan macaash ka badan 100 %. Saddex arrimood ayaana u sabab noqon kara:
• Shaqaalaha oo aan la siin mushahar u dhigma culayska shaqada ay qabtaan, mushaharkaas oo aan ahayn mid uu ku noolaan karo qofku.
• Cashuurta laga qaado ganacsadaha oo aan la jaanqaadayn macaashka shirkadda.
• Ganacsatada oo ka wadatashata sicirka wax lagu iibinayo, taasoo meesha ka saaraysa tartanka ganacsiga, keenaysana sicirbarar aan la xakamayn karin. Akhriste ogow in caalamka ay mabnuuc ka tahay in shirkaduhu ay ka wadatashadaan sicirka wax lagu iibiyo, taasoo lagu mutaysan karo xadhig iyo ganaax lacageed oo aad u badan.
Shaqaalaha hoteelada iyo meheraduhu waxay shaqeeyaan sabti ilaa jimce maalin walba 8-14 saacadood, mushaharka la siinayaana wuxu u dhexeeyaa 200-400 dollar. Qaarkoodna waxay qaataan wax intaa kaba yar. Diinta iyo dadnimadaba way ka soo horjeeddaa in qof muslim ah sidaa bilaa naxariista ah loola dhaqmo. Yurub waxay ku dhisantay malaayiintii afrikaanka ahaa ee 200 ee sano bilaashka ugu shaqaynayay, markaa wax lala yaabo ma aha in Somaliland ay bataan maalin ku taajirku. Dhallinyarada dalka u dhalatay ee reerkooda ka heli kara bariis ay cunaan ma qaataan shaqooyinkan, waxana ka shaqeeya qaxooti itoobiyaan ah. Dhallinyaradii markay shaqobeeleen waa kuwaa badda isku guraya. Nin kasta oo ganacsade ah masuul baa ka saaran dalka iyo dadka. Hoteelada iyo meheradaha waawayni way karaan in ay mushahar fiican siiyaan dhallinyarada dalka. Arrintani waxay keenaysaa mashaakil bulsho sida guurka oo yaraada maadaama dhallinyaradii ay faramadhan yihiin iyo tahriibka oo sii bata. Ganacsade ogow inantaadu marka ay guurbeesho waxa qasab kugu noqon doonta in aad siiso qaxootiga itoobiyaanka ah ee kuu shaqeeya, kaas oo hadhawna dhaxli doona xoolaha badan ee aad dhitaynayso. Ogow ganacsade waddan waxa dhisa ama burburiya ganacsatadiisa.
Dawladda waxa ku waajib ah in ay dadka ka qaado cashuur caddaalad ah. Maanta miskiinka uun baa misko la fuulo leh. Dawladdu waa in ay cashuurtaa macaashka shirkadaha ee aanay cashuurin uun gadbadda bariiska ah ee la soo dejiyo iyo hooyada danyarta ah ee tamaandhada bacadka la fadhida. Shirkadaha caalamka waxa cashuurtooda lagu saleeyaa xisaabxidhkooda sannadka oo hantidhawr madaxbannaani uu soo ansixiyay, laakiin maadaama innagu aynaan halkaa gaadhin waa in aan keennaa dhako kale oo wax lagu qiyaaso. Tusaale ahaan hoteelada waxa la tirin karaa qolalka ka dibna waxa laga soo qaadi karaa in 40-60% ay kiraysan yihiin. Shirkadaha telefoonada waxa la qiyaasi karaa inta qof ee telefoon haysata dalka, kaba soo qaad 500 000 qof oo bishii isticmaala 10 doolar. Waxan filayaa in ay dawladda ka soo geli lahayd lacag aad u badan oo dalka iyo dadkaba waxtarta.
Ogow ganacsade in aanay diiniyan bannaanayn in alaabta la iibinayo la saarto labanlaab iyo wax ka badan iyo in la dulmiyo shaqaalaha kuu shaqeeya. Haddii aad sidaa ku hesho xoolo badan fadlan ka fikir in ay inna sugayso aakhiro.
Mohammed Ahmed Barkhad (Khadar)
Xisaabiye sare (Senior accountant)
Sweden
waryee@hotmail.com

COMMENTS
Latest News