|
|||||
Gabileynewsonline.com
Wargeys Talyaaniga ka soo Baxa oo Qiray Dedaalka Somaliland Gelisay Qorshaheeda Aqoonsi Raadinta
August 7, 2019 - Written by adminSomaliland iyo Somalia:Laba dal oo Mataanno ah oo muddo dheer iska soo horjeeday.” Hargeysa(HargeisaPress)—Wargeyska L’Indro oo ka soo baxa Talyaaniga, ayaa warbixin dheer ka qoray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya qoraalkaas ciwaan uga dhigay “Somaliland iyo Somalia:Laba dal oo Mataanno ah oo muddo dheer iska soo horjeeday.” Wakaaladda SOLNA oo soo xigatay Wargeyska L’Indro oo ka warramay sidii ay 1960kii u midoobeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, burburkii midowgaas iyo marxaladihii ay soo mareen labada dal, kuwaasi oo ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu. Waxa kaloo uu ka hadlay sidii kaligii taliyihii Siyaad Barre u waxyeeleeyey reer Somaliland isla markaana dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba u go’doomiyey ummadda Somaliland. Wargeysku inkasta oo uu taabacsanaa Soomaaliya, waxase uu qiray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal muhiimad weyn u leh dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Kenya ay cilaaqaad ganacsi la samaysanayaan Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo aan haddana weli ictiraafin.
COMMENTS
|
Latest News
|