Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Amaro Adag Ka Soo Saaray Xaaladda Ceel Afweyn
August 13, 2019 - Written by admin

Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa digniin culus ka soo saaray Deegaanka Ceel Afweyn, halkaas oo lagu dilay todobo qof oo ay afar dumar tahay.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici Madaxwyene Ku Xigeenka soomaaliland oo warsaxaafadeed ka soo saaray arrintaasi ayaa marka horre u tacsiyadeeyay shacabka somaliland iyo ehelada ay ka baxeen todobadaasi qof ee lagu dilay magaaladda ceel afweyn.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu dhinaca kale isla warsaxaafadeedkiisan  oo aad u dheeraa uu kaga hadlay, kuna cadeeyay in ciidamadda qaranka soomaalland oo ku dabo jiray dablaydii dilka halkaasi ka geysatay ay qayb ka mid ah soo qabqabteen kuwo kalena ku raad joogaan, iyada oo uu buu yidhi danbiileyaashii falkaasi ka danbeeyay sharciga la hor keeni doono.

Waxaana warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan  “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin.

Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida  dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan  hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

 

 

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada.

COMMENTS
Latest News