Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Taageeray Heshiiska Taariikhiga Ah Ee Suudaan Lagu Kala Saxeexday
August 18, 2019 - Written by admin

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Taageeray Heshiiska Taariikhiga Ah Ee Suudaan Lagu Kala Saxeexday

0
216
    

Hargeisa (HargeisaPress)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna  Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee ay maanta magaalada Khartuun ee ku kala saxeexdeen  Golaha ku-meel-gaadhka ah millatariga Suudaan iyo kooxaha isbeddel doonka ee waddankaas,kuwaasi oo soo dhisaya dawlad ku-meelgaadh ah oo ay u dhan yihiin.

Md. Cabdiraxmaan Cabdiaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  wuxuu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay soo dhaweynayso dedaallada bulshada caalamku ku dhexdhexaadinaysay  Millatariga iyo kooxaha isbeddel doonka  Suudaan.

Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku daabacay caawa bartiisa Twitterka oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press, Waxaanu tilmaamay inay soo dhaweynayaan  juhdigii ay  sameeyeen Itoobiya, Midowga Afrika, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD.

Vice President Abdirahman Saylici@VPsomaliland

Today was an historic day for Sudan for signing a new transitional agreement. Somaliland Gov support the mediation efforts of the international community, Ethiopia, AU, US, EU & IGAD. I hope this will lead to a transition that meets the legitimate aspirations of the people

View image on Twitter

Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland  sheegay in dawladda kumeel-gaadhka ah ee Suudaan ay ka turjumayso  sharcinimada rabitaanka shacabka reer Suudaan.

Waxay ku heshiiyeen  gole ka kooban lix masuul oo ka socda bulshada  rayidka ah iyo shan Janaraal  ay Suudaan sii maamuli doonaan.

 

COMMENTS
Latest News