Gabileynewsonline.com
Hargeysa: Madaxweynaha JSL oo dalka ku soo laabtay iyo wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlay
August 22, 2019 - Written by admin

Hargeysa: Madaxweynaha JSL oo dalka ku soo laabtay iyo wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlay

0
75
    

Hargeysa(HargeisaPress)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiintii ku wehelinaayey gudashada waajibaadka xajka ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumada, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.

Waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku wehelinaayey madaxweynaha Somaliland, isagoo ka hadlay wasiirku arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kulamo ay la yeesheen madax ka tirsan dawladda Sucuudiga ka dib markii ay soo guteen waajibaadkooda xajka.

COMMENTS
Latest News