Gabileynewsonline.com
Jawaab ku socota Xildhibaan Axmed Cabdi kaahin, Dhib lagula qabo dhib maaha…..By geedi buux
September 19, 2019 - Written by maxamed jeex

Jawaab ku socota Xildhibaan Axmed Cabdi kaahin, Dhib lagula qabo dhib maaha…..By geedi buux

Islaamku ma ogola in dadka fadeexooyinkooda iyo ceebahooda la qodqodo ee wuxuu faray in ceebaha la asturo, sidaasi darteed Xildhibaan Axmed cabdi casood wareysigii uu siiyey TV yada dalka JSL wuxuu si cad u sheegey inuu isagu direy ragii marxuumka ku diley degaanka WADAJIR .

Intaa kuma ekaysan, Xildhibaan kuwe ee wuxuu si cad u diiday ugana horyimid deganaashaha degaanka heemaal, isagoo sheegay inuusan aqoon nabada degaanka ka jirta , waxaa la yaable , oo Xildhibaan ka hadaladiisa ka mid ahaa inuu colaada dhiirin galinaayey markaad hadaladiisa dhuuxdo? Yaa u xilsaaray inuu afhayeen u noqdo degaanka? Isaga maxaa uga xiran haddii inuuna shacabka degaanka nabadooda ka shaqeyneyn? Xisaabtan ayaa sugaya, ee  qof walbaa ha ku ekaado xilkiisa, waajibaadka lagu sugayo ayuusan dhibaato ka hurin sida Xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo kale.

Isaga laba mid ayaa la gudboonayd, inuu yiraa waa ka xumahay, hawshaa meesha ka dhacdey laakiin afkiisa ma,ahayn inuu yidhaahdo waan ku faraxsanahay ninkaa bahabarceli ee la diley , wuxuu xitaa diidey inuu tacsiyeeyo marxuumkii , ay dileen kooxdii uu soodirey Xildhibaan Axmed Cabdi Casood doqonta garaadkeedu waa sidan , dabcan waa garashadiisa gurracan malaha doqonnimo kama marna iyana, illeen meelaan ku qaadin haddaad isku qaado, ceeb is huri maysaane, mase dhicin, “Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee kan kale midda saaran ayuu arkaa”.

Hadaba ninkii Xildhibaan ka isku sheegaayey ee sida jetés jeeska ah u hadlaayey waxaan odhankaraa waa jaahil aan diin,dhaqan aan midna aqoon oo hadana sheeganaaya inuu yahay masuul,sidaasi darteed anigu waxaan leeyahay jaahilow dadkani meel ma kala tegayaan mana kala dhamaanayaan,mana kala guurayaan ,ilaahaybaa meel wada dhigey ee adigu godobtaa aad ka gashay dadka degan wadajir,heemaal & fini-aaden adiga ayey ku haystaan dilkaasi.

Maan jecleyn inaan ceebtaada  banaanka soo dhigo ee adaa isa soo dhigey adaana is ceebeeyey,adaana cadeeyey inaad ka danbeysay ninkaas bahabarceli ee lagu diley degaanka WADAJIR waxaana u cadaatey beel weynta bahabarceli inaaad adigu dishay ninkaas taana waxaa ka markhaati ahaa hadkaagii aad ka sheegtey TV yada…

Ugu dambyn, Anigu oran maayo sida dadka qaar waa Xildhibaan nabadeed ee ,waxaanse oranayaa xildhibaanno xiiqsan, oo cudadeysan,oo ciilqaba,oo u xusulduuban sidii dadku ay isku dili lahayeen uuna u kala  irdhayn lahaa, wuxuuna u cabaaraynayaa ,hadaba xukumada JSL waxaan u sheegeynaa anagu Hadaan nahay beelaha Bahabarceli Waxaan u haysanaa dilkaasi Xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo afkiisa ka qirtey inuu isagu direy ragaa dilka geystey,sidaasi darteed haddii ay dawlada JSL talaabo ka qaadi weydo Waxaan dhici doonta inaan gacantayada wax kaga qabano…

guntii & gabagabadii Waxaan ku soo koobayaa gabay , xaq dulmi isu badalay, daacadnimo dabran, duuflaal darawal ah, dayac baahsan, Daciif damman iyo doqon diran, goorma laga dabaalanayaa?.

By geedi buux

Geedibuux111@hotmail.com

JSL  Fiqi-aaden

COMMENTS
Latest News