Gabileynewsonline.com
Arintii WADAJIR oo fashil ku dhamaatey kadib markii dowlada JSL ay u dirtey dad aan ehel u ahayn arimaha reeraha dhaxmara.By geedi buux
October 3, 2019 - Written by maxamed jeex

Arintii WADAJIR oo fashil ku dhamaatey kadib markii dowlada JSL ay u dirtey dad aan ehel u ahayn arimaha reeraha dhaxmara.By geedi buux

Markaan dhegeysaney wareysigii uu siiyey idaacadaha wasiirka biyaha JSL mudane saleebaan cali koore waxaan noo cadaatey inuu yahay nin fariin sida waayo? Wuxuu yidhi degmada lughayana dhibaato ayaa kajirta mana’ahayn arin isaga quseysa madaama uu ahaa gudoomiyaha gudidaas loona direy degmada saylac ee aan loodirin degmada lughaya taasina waxay dareen aad u weyn galisay beelaha gadabuurssi weyne waxayna u arkeen nin dhinac u janjeedha oo aan ahayn dhaxdhaxaad.

Su’aashaydii ahayd dowlada JSL waxay u dirtey dad aan ehel u ahayn arimaha reeraha sobobtuna waxay tahay wasiir ina cali koore,wasiirka oo arinta dhaqanka , ta degaankaba aan waxba ka garaneynin wuxuuna u ekaa nin fariin sida oo garqadeyn oo raba inuu qaado gar’eexeed waana ta keentey inuu wada hadalkii fashilmo.

W/wasaarada caafimaadka cumar dheere isaguna maaha nin degaanka yaqaana waana nin da’diisu ay aad u yartahay khibrad badana aan lahayn inkasta oo uu yahay nin aqoonyahan ah oo aan qabyaalad aqoon waxa ka jira meeshana aan ka warqabin.

W/wasaarada gashaandhiga Cabdiqani maxamuud caateeye isguna uuba kadarey ina cali koore oo isagu dadkii laga diley marxuumka ayuu ku yidhi beertoodii ilaa 5 shan awow ay qodan jireen ayuu ciidamo dulgeeyey kuna yidhi ma qodi kartaan taasina waxay sas ku ridey beeshii ninka laga diley taasina waxay abuurtey iney shikiyaan beelihii dhibta tirsanaayey.

W/ ku xigeenka wasaarada A gudaha isaguna wuxuu ku raacay ina cali koore & w/wasaarada gashaandhiga waxaanad modaa in wax lagu soo heshiiyey ay la yimadeen degaanka WADAJIR taasina waa tukale oo fashilisey inuu wada hadalkaasi burburo.

Wa/ wasaarada beeraha Axmed muumin seed isaguna intuuna iman meeshii shaqaqadu ka jirtey ayuu wuxuu ku dhawaaqey in la joojiyey beeraha taasi aad u la yabeen dadkii deganaa tuulada WADAJIR,madaama ay waligoodba beerahan ay qodanjireen waana sobobta keentey beelaha bahabarceli ee gadabuurssi weyne iney ka baxaan wada hadalkaa dhinaca ka raran.

Waxaa soo arimood markey is biirsadeen waxaa meesha ka dhacay in beelaha bahabarceli ay iskaga baxaan shirka ‘kadibna dhalinyaradii beesha ninka laga diley ayaa aad uga cadhootey sida loola dhaqmay ee waliba loo yareystey odayaashoodii ee hadana ciidamo la dulkeeney beertii lagu diley walaalkood.waxayna yidhaahdeen maaha mid aan u dulqaadaneyno kadibna buuraha ayey galeen arnitaana waxaa masuuliyadeeda iska leh wasiiradaas arinta galey,haddii meeshaasi ay jabhado ka bilaamaan waxaa qadaaya cidii dhibta geysatey & cidii dowlada mataleysey.

By geedi buux
Geedibuux111@hotmail.com
JSL Fiqi-aaden

COMMENTS
Latest News