Gabileynewsonline.com
War Degdeg ah: Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Taliyaha Cusub Ee Booliska Somaliland
November 5, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu goor dhaweyd magacaabay Taliyihii Ciidamadda Booliska Somaliland iyo Ku Xigeenkiisa.

Booskan oo uu ka dhintay Allaah Haw u naxariistee Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu madaxweynuhu u magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo Gale), Halka taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliskana Loo Magacaabay Cabdi Xasan.

In kasta oo aanay Madaxtooyaddu si rasmi ah u faafinin magacaabista Taliyahan, hadana warkan ayaa durba ku soo baxay baraha ay bulshaddu ku wada xidhiidho.

Taliyaha Cusub ee Ciidamadda Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dabo gale ayaa ka  mid ahaan jiray ciidamadda qalabka sida, Halka Taliye Ku Xigeenkuna uu mudo Dheer Ka Tirsanaan Jiray Booliska.

COMMENTS
Latest News