Gabileynewsonline.com
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ma Waxxqabadka ayay ka Xanaaqdaa Mise Weli , Odayaasha Dhaqanka ayaa Isagana u soo Yeedhiya Cida ay doonayaan
December 13, 2019 - Written by admin

 

Waxaynu ka dheregsanahay Akhristayaal in Xukuumaddan Tii Ka Horeysay ee Siilaanyo Cida uu Hogaaminayo Odayaasha Bahda dhaqanka ee Koofiyad Baclayaashu hadba cida ay keenaan Madaxweynahaasi Magacaabi jiray MIn Wasiir ilaa Agaasime Waaxeed yar waxaana aan loo eegi jirin Hufnaanta iyo aqoonta shaqo ee Qofkaasi Leeyahay .
Haddaba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xildiid Wuxuu Wasaaraddaha Qaranka uu ku Nashqadeeyay Ereyga Halku dhega Horumarinta kuwaasi oo uu raaciyay Magacyadda Wasaaraddaha Qaranka iyadoo ay taasi jirto ayaad haddana Mooddaa inaan Loo Baahnayn Cid Wax horumarinaysa oo Talaabo u qaada dhanka Guusha iyo Waxqabadka Dhabta ee loo igmado siyaasiga Meel Loo Magacaabo .

Tusaale ahaan Wasiirkii Hore ee Horumarinta Cadaaladda Somaliland dhawaanta Xilka Laga qaaday ayaa ahaa Shaqsi ku sifaysnaa Waxqabad iyo Maamul Daadejin dhab ah oo aanu si Faahfaahsan u dul istaagi Doono Waxqabadkiisii Muddoda Yar ee Kooban ee Xilkaasi Hayay Waxaanay ahaayeen Sida Tan

Mudane Cabdirisaaq Cali cabdi Saalax 5 Bilood Gudahood in ka badan Labaatan Tababar u furay Saraakiisha Ciidamadda Asluubta Saraakiishooda iyo Garsoorayaasha Maxkamaddaha dalka si loo kobciyo habsami ula dhaqanka Maxaabiista ee ay hadba gacanta ku hayaan wuxuu xaq ugu leeyahay ama u ilaalin lahaayeen xuquuqahooga shaqsiga ah islamarkaana loo tababaro kuwaa la mid ah loo samaynayay Maxbuuska Jeeelasha ku jira wixii isagana Xaq loogu leeyahay iyo wixii Xirfad uu kui Baran karo Maxbuuska Jeelka si uu Markuu Banaanka usoo Baxo maxbuusku Xirfadahaasi uu ku shaqo tegi karo.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Cadaaladda iyo Garsoorku ee somaliland Wuxuu dib u habayen uu ku sameeyay jeelasha kala ah Burco, Ceerigaabo, Berbera , Laascaanood Waxaa kaloo Qorshaha ku jiray Jeelasha Gabiley Boorama Balligubadle iyo Jeelka Mijo Caseeye oo Hadda Gacanta lagu Hayo dhismihiisa Hayad Faransiis ah waxuu Qalinka KUla duugay Lacag gaadhay 50 Milyan oo doolar oo lagu horumarinayo jeelasha Somaliland .

Waxaana Dabagal aanu mku samaynay Mashaariicda Horumarinta somaliland ee dhanka caddaaladda waxaanu ka markhaati kacay Masuuliyiinta Hayaddaha Caalamiga ah ee sida oo aanu xidhiidh la samaynay dhamaantood waxay noo sheegeen inay ka xunyihiin Xil ka qaadista Masuulkan waxaanay ku tilmaameen Shaqsi Activity Dhab ah ay ka Go,anayd markaa loo eego Heshiisyadda Waafiga ah ee uu la gallay Waxaana ka mid ahaa
LEGAL AID
UNSOM
UNDP
WORLD BANK
iyo Hayadda Horumarinta Jeelasha ee Caalamiga ee Lagu Magacaabo PACT
Haddaba Akhriste Suaasha isweydiinta mudani waxay tahay Masuulkan intaasi oo Masuuliyiin ah oo Caalami ihi amaaneen Madaxweyne Muuse Biixi isagu shaqsiga dedaalka muujiya ma danbiile ayuu u yaqaanaa ????

Waa Qalinkii wariyayaasha Cabdiraxmaan Ismaaciil Shacshaci
iyo Wariye Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland

COMMENTS
Latest News