Gabileynewsonline.com
Maayarka Gabiley Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Caafimaadka Gobolka
February 26, 2020 - Written by admin

Maayarka degmadda Gabiley ayaa maanta kulan la yeeshay agaasimeyaasha iyo masuuliyiinta cusbitaaladda iyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda Gabiley.

Kulankaasi oo ahaa mid lagu dar-dar gelinayo mashruuca maamul-daadejinta adeegyadda caafimaadka ee degmooyinka hoos yimaadda Gabiley, ayaa ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee Gabiley.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley, agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee Gabiley.

Madaxda ka hawl-gala cusbitaaladda, xarumaha caafimaadka iyo MHC-yadda degmooyinka iyo tuulooyinka ka tirsan gobolka Gabiley.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

COMMENTS
Latest News