Gabileynewsonline.com
Cudurka Coronavirus Oo U Hiiliyay Dowladda Aljeeriya Iyo Sababta
March 21, 2020 - Written by admin

Dibadbaxayaasha dalka Aljeeriya ayaa markii ugu horreeysay muddo ka badan sanad hakiyay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda dalkaasi ee usbuuc kastaa ay ka dhigi jireen guud ahaan dalkaasi.

Arrintaasi ayaa ka dhalatay cabsida laga qabo cudurka Coronavirus ee dunida faraha ba’an ku hayo.

Usbuucan ayaa ahaan lahaa kii 57-aad ee dalkaasi ay ka dhacayaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda, haseyeeshee taasi ma aysan dhicin.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa mamnuucay dibadbaxyada balse hawl-wadeennada mucaaradka ayaa sidoo kale taageerayaashoodu ugu baaqay in aysan isu soo bixin maadaama laga cabsi qabo faafitaanka cudurkaasi.

Cudurkaasi Coronavirus waxaa ilaa haatan gudaha dalkaasi ugu dhintay ugu yaraan toban qof, halka 90 qof oo kale la xaqiijiyay in uu soo ritay.

Karim Tabbou oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa ugu baaqay taageerayaashooda in ay hakiyaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Dibadbaxyadani ka dhanka ah dowladda ayaa billowday bishii Febraayo ka dib markii madaxweynihii xilligaasi dalka maamulayay Cabdulcasiis Bootefliqa uu shaaciyay in mar shanaad uu xilkaasi u tartami doono.

Bootefliqa oo 82 jir ahaa ayaa markii dambe xilka isaga degay balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa Jimce kastaa waddooyinka dalkaasi soo buux dhaafinayay si ay meesha uga tuuraan raggii la soo shaqeeyay dowladdii hore.

Usbuucyada qaar waxaa waddooyinka caasimadda dalkaasi ee Aljeris isugu soo baxayay tobanaan kun oo qof oo dibadbaxyo dhigaya.

Shalay oo Jimce ahaa waxaa marnaa waddooyinka magaaladaasi, marka laga reebo ciidamada booliska iyo weriyeyaal.

 

 

COMMENTS
Latest News