Gabileynewsonline.com
Madaama 2dii kiis ee ugu horeeyey la cadeeyey inay qabaan caabuqa COVID-19
March 31, 2020 - Written by admin

Sidaynu wada ognahayba Dawlada iyo Gudiga ka hortaga caabuqa COVID-19,  wali wax talaabo ah oo wax ku ool ah aynu kaga hortagno caabuqa COVID-19 may samayn. 1. Bandoodii ay amarka ku soo rogeen inuu suuqa dhexe ee faras magaaluhu 7da fiidnimo wixii ka danbeeyo bandoo yahay (lock down), laga bilaabo xalay isniintii muu hirgalin oo xalay iyo caawaba sidii caadiga ahayd ayuu suuqu u furnaa. 2. Goobihii laysugu imanayey iyo maqaxiyihii sidii ayey u furan yihiin oo wali shicibku isku dhex yaacayaa.  3. Kala fogaanshihii bulshadu (Social distance) wali waa sidii oo meel walba iyo miiis walba 5 qof iyo wax kabadan uwada fadhiyaan. 4. Duulimaadkii safarada Ethiopian Airlines wali sidii ayuu u socdaa oo hawadii ma xidhna, xuduudihiina sidii ayaa laysaga talaabaya oo wax xad xidhitaana ah ma jiro(Restricting movements. 5. Jaadkii oo saamayn wayn ku yeelan doona fiditaanka caabuqa COVID-19 wali laynagama joojin. Hadaba maxay tahay in dawladu si dhakhsaa u samayso? 1. Dhamaan waa inay xidhaa xuduudaha, Cirka, bada iyo dhulkaba oon cidna bixin cidna soo galin walaa muwaadin walaa ajaanib. 2. Inay dhaqan galiso dhamaan awaamiirtii ay soo saartay, oo shicibka la baraa inay u hogaansaman sharciga si nafahooda loo badbaadiyo. 3. In maqaayadaha cuntada, sharaabka  iyo shaahaba lagu amraa inaan laysugu iman oo ay ku bixiyaan raashinka, shaaha iyo sharaabkaba safaari (take away). 4. In suuqyada iyo meelaha laysugu yimaado oo dhan bandoo lagu soo rogaa ( lock down) 5. In bulshada la wacyi galiyaa oo loo sameeya barnaamijyo idaacad/TV iyo karaa,ido lagu wacyi galiyo Lagulana socod siiyo kolba waxa soo kordha iyo halka xaalku marayo. 6. In Dawladu wacyi galinta u xilsaarto Wadaada, imaamyada, oday dhaqameedyada, uruda bulshada, ururada Haweenka, ururada dhalinyarada iyo hogaamiye reeredyada. 7. In Bulshooyinka ayaanibkaa ah ee luuqadaha kale ku hadla ee inagu dhex nool luuqadahooda lagu wacyi galiyo, qoraal ahaan iyo maqal ahaanba.

8. In dhamaan gadiidka dadwanha la dhimo bulshada saaran oo la kala fogeeyo, tusaale ahaan baska qaada 25 ruux in uu qaado 13 ruux oo kaliya, ka 12 ka ruux qaadana qaado 6 ruux oo kaliya si ay ukala fogaadan rakaabku.

Sikastaba ha ahaatee shicib, Dawlad iyo shaqaalaha caafimaadkuba waa inay fadhiga ka kacaan ooy uga wada shaqeeyan siday uga hortagi lahaayen ugana badbaadin lahayeen caabuqa COVID-19,  nafahooda iyo umadoodaba. Haayaaha caafimaadkana waxa looga baahan yahay inay qaab aqooneed oo taxadir leh uga hortagaan ugana shaqeeyan ka hortaga caabuqa COVID-19, iyagoo nafahooda ka ilaalinaya inayna caabuqa Hargabka COVID-19 ka qaadin bukaanka ay dawaynayaa. Shaqaalaha caafimadku waa inay noqdaan qaar u carbisan oo loo tabobaray caabuqa Hargabka COVID-19, ooyna raacan habka caalamiga ah ee loo maareeyo kiisaska COVID-19. Sida cudur kasta oo faafa oo cusub, qeexitaanka kiisku si dhakhso leh ayuu u kobcayaa maadaama aqoonta cudurku uu batay.  Xogteenna baadhitaanada caafimaadka ayaa soo jeedinaysa in saamiga muunad-xumada ee loo yaqaan ‘SARS-CoV-2 RNA’ ay caadi ahaan ka dambayso kuwa sanballada marinnada neef-mareenka; sidaa daraadeed, kuma soo jeedinayan ku darista tijaabooyinka muunadaha faecal ee habraaca baarista jira ee COVID-19. Si kastaba ha noqotee, go’aanka ku saabsan goorta la joojinayo taxadarka si looga hortago gudbinta bukaannada ka soo kabsaday COVID-19 waxay muhiim u tahay maareynta ilaha caafimaadka. Waxayna soo jeedinaynaa ku darista baaritaanka faecal ee SARS-CoV-2.3 Waqtiga xaadirka ah, go’aanka siidaynta bukaanka waxaa la sameeyaa haddii aysan muujin astaamo la xiriira iyo ugu yaraan laba natiijooyin badhitan oo isku xigxigta ah waqtiga-dhabta ah ee loo yaqaan ‘RT-PCR’ ee xaakada ama saamballada neef-mareenka ururiyeen in ka badan 24 sacadood oo kala  gooni ah. Halkan, waxay ogadeen in inka badan kalabar bukaannada, muunadoodu saxaradooda ay weli u fiicnaanayaan SARS-CoV-2 RNA muddo 11 · 2 maalmood ah ka dib markii sanballada marinnada neef-mareenka ay si xun u noqdeen SARS-CoV-2 RNA, taasoo muujineysa in fayrasku si firfircoon ugu noqda marinka mareenka xiidmaha iyo u gudbinta faecal-afka ayaa dhici karta ka dib markii faayriska marinka neef-mareenka.

Go’aaminta in fayras lagu arki karo iyadoo la adeegsanayo ogaanshaha aashitada loo yaqaan ‘nucleic acid’ waa adag tahay;  cilmi baaris dheeri ah oo la adeegsanayo sanballada saxarada cusub ee waqtiyada dambe ee bukaannada leh mudada dheer ee saamiga muunad suufka ayaa loo baahan yahay si loo qeexo awooda gudbinta.  Intaa waxaa sii dheer, waxay ogadeen in bukaannada sida caadiga ah aan lahayn astaamo ama aad u fudud kadib natiijooyinka saamiga neef-mareenka oo xumaaday (xog aan la soo bandhigin); si kastaba ha noqotee, gudbinta asymptomatic ayaa la soo sheegay.4 Ma jiraan kiisas la isugu gudbiyo marinka faecal-afka ah ee wali laga soo warin SARS-CoV-2, oo laga yaabo inay soo jeediso in caabuq ku yimaada marinkan aan loo badneyn xarumaha karantiil, isbitaalka, ama inta lagu jiro  is-go’doomin. Si kastaba ha noqotee, faafinta suuxinta ee afka laga qaato waxay keeni kartaa khatar badan goobaha guryaha ku dhex yaal sida hoteelada, hoyga, tareenka, basaska, iyo maraakiibta maraakiibta.

Gudbinta neefsigu wali waa wadada koowaad ee SARS-CoV-2 iyo caddeyntii weli kuma filna in la sameeyo tallaabooyin wax ku ool ah oo loogu talagalay kooxda bukaannada leh natiijooyinka saamiga neef-mareenka laakiin tijaabada saxarada.  Daraasad dheeri ah oo ku saabsan suurtogalnimada iyo qaadista cudurka SARS-CoV-2 ee saxarada ayaa loo baahan yahay. Wali dawladu umay samayn meelo lagu karintimeeyo oo lagu daweeyo bukaanka caabuqa Hargabka COVID-19, kuwaas oo u baahan xarumo caafimaad, qalabkii lagu baadhi lahaa, mishiino ay ku neefsadan oo oxygen ah iyo shaqaale loo tababaray ka shaqaynta caabuqa Hargabka COVID-19. Waxa muhiim ah oo lagama maarman ah in dawladu u samayso xarumo daryeel caafimad oo lagu daweeyo bukaanka caabuqa COVID-19, iyagoo ka duulaya awoodeena dhaqaale waa inay si kumeel gaadh ah ula wareegan xarumaha caafimadka gaarka loo leeyahay ( private hospitals).

 

COMMENTS
Latest News