Gabileynewsonline.com
Dad Qaxootiya Oo Cabasho Ka La Hortagay Haayada Baracayaasha Iyo Qaxootiga Xarunteeda Hargeysa
May 30, 2020 - Written by admin

Dad qoxoonti ah ayaa cabasho la horyimi xafiiska ha’yadda qoxoontiga iyo barakacayaasha Ee Somaliland, dadkan gadoodsan ayaa si wada jira uga cabanayey Guddoomiyaha ha’yadda barakacaysha Somaliland Cabdikariin xinif iyo Ha’yadda Qaramada-midoobey uqaabilsan arimaha qoxoontiga ee magaceeda loosoo gaabiyo (UNHCR) oo ay ku eedeeyeen inay si wada jira sagsaag ugaliyeen Lacago lasiin jirey dadkaasi qoxoontiga ah.

Dadkan barakacayaasha ee cabshada la horyimi Haayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland ee Hargeysa ayaa Isugu jira Muwaadiini Somaliland udhashay oo ah dadkii xooluhu ka baxeen xiligii abaaraha ee miyiga kasoo hayaamay iyo dad kaloo Itoobiya kasoo jeeda.

Guddoomiye xinif oo Warfidiyeenku wax ka waydiiyey dayaca qaxoontigani ka cabanayaan ayaa eedaha arintaasi dusha ka saarey Hay’adda UNHCR, waxaanu ku eedeeyey Hay’ayadaasi inay ka dhago adaygayso dalabyo dhawr ah oo uu ugudbiyey.

Guddoomiyaha barakacayaashu muu sheegin tallaabo cad oo uga qorshaysan dadka cabanaya iyo ha’yadda laga cabanayo midna,

Abdizamad Jarraf

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
Latest News