Gabileynewsonline.com
“Shaqsiyaadkii Iyagoo Systemka Ku Jira Caqabad Ku Ah, Qaarkood Waanka Saarnay, Inta Hadhsana Waan Kasifayn Doonaa”Madaxwayne Mustafe Cagjar.
May 30, 2020 - Written by admin

Madaxwaynaha dawlad deeganka somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (cagjar) ayaa fariin hanjabaad ah hawada umariyay xubno uu sheegay in ay nidaamka dawladnimada  qabad ku yihiin isagoo xusay  shakhsiyaad ay talaabo ka qaadeen iyo kuwo ku hadhsan oo ay hada fashilin doonaan sida ay mashaariicda iyo hantida dawlada umusuq maasuqaan,

Madaxwayne mustafecagjar ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Systemka dawliga Shacabkaa iskaleh shaqsiyaadkii iyagoo Systemka kujira caqabad ku ah qaarkood waanka saarnay, imika inta hadhsan waan kasifayn doonaa, cidna Marti uga noqon mayno kan wada hagardaamo shacab.

shaqsiyaadka wali ku hadhsan ee musuqa iyo mashaariicdii xafiiska sida wadooyinka iyo dhismaha magaalooyinka lunsanaya dhinacna tvga markay ka hadlayaan wadaniga iska dhigaya waxay lamid yihiin ninkii dhuumanayee dhabarkiisu muuqdee dhakhso loo ogaaday.

 

COMMENTS
Latest News