Gabileynewsonline.com
Wasiirka Deegaanka Oo Sheegtay In Ay Xidhayaan Seeraha Hayaysa Ee Ceel-Afweyn
June 3, 2020 - Written by admin

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta kormeer ku soo martay Seeraha deegaanka Hayaysa oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Seeraha Hayaysa ayaa ka mid ah Seereyaal dhawr oo taaaariikhi ah oo ku yaalla degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo xiliyadii dawladihii hore laga xidhi jiray xoolaha.

Kuwaasoo ay hadda qaorshaynayso wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland in la xidho, isla markaana  loo samayn doono shaqaalihii ka hawl geli lahaa iyo qaybihii xanaanaynta.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf, iyo isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee degmadda Ceel-Afweyn C/raxmaan Xuseen Aadan.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka mida xubnaha wasiirrada ah ee hawlaha nabadaynta beelaha u jooga degmadda Ceel-Afweyn ayaa kadib markii ay kormeerka ku soo martay seerahaasi waxay ka hadashay taariikhda weyn ee uu seeraha Hayaysa ku lahaan jiray dalka gaar ahana Ceel-Afweyn.

Waxtarkiisii waayadii hore iyo qorshaha wasaaradeedda ee la xidhiidha sidii loo xidhi lahaa seerahan. Waxaanay tidhi, “Waxaan  maanta soo kormeeray oo aan imi Seeraha Hayaysa, oo Ceel-Afweyn taariikhdeedda soo dhisay.

Seerahani waa Seeraha ay ka soo bilaabmeen Seereyaasha wadanku. Waxaanu ka mid yahay Seereyaashii ugu horeeyay dalkeena. Kuwii iskuuladda lagaga soo bixi jiray ee aad maqli jirteen raggii hore ee wax bartay, Seerahan ayay ka soo qalin jabiyeen.

Geelii ku xeraysnaan jiray Caanihiisii ayay ku soo baxeen. Waxaa maanta  xasuus weyn weyn oo mudan ii ah, in aan Seerihii dhex joogo, oo qurux badan, oo barwaaqo ah, oo biyihii aqul-aqulayaan, oo roobkii xalay ku da’ay ay biyihiisii qul-qulayaan. Nimco iyo barwaaqo ayaana ka muuqata Seerahan.

COMMENTS
Latest News