Gabileynewsonline.com
Xanuunka Coronavirus oo Si Ba’an Ugu Sii Faafaya Somaliland
June 3, 2020 - Written by admin

Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xidhiidha cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay inay maanta soo kordheen 18-kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa 80-qof oo laga baaray cudurkaasi.

Dadka cusub ee cudurkaasi laga helay ayaa 15-qof oo kamid ah waxay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka ay 3-ruux ee kale ay ku sugan yihiin magaalada Boorama.

Wasaarada ayaa si cad u sheegtay in dadkaasi cusub ee laga helay cudurkaasi ay ku jiraan xaalad karantiil oo lagu hayo goobaha wasaaradu ugu talo gashay in lagu hayo dadka uu soo rito cudurkaasi.

18-ruux ee maanta laga helay cudurkaasi, ayaa lagu kala sheegay inay 10-qof yihiin Rag, halka ay 6-ruux ee kale ay yihiin Dumar.

Tirada guud ee cudurka Coronavirus ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 376-kiis, halka ay ka bogsadeen cudurkaasi 54-ruux, iyada oo cudurkaasi ay u geeriyoodeen 22-qof, inta la ogyahay.

COMMENTS
Latest News