Gabileynewsonline.com
Sida u Imaam Axmed guray Xukunka u fulay:
June 16, 2020 - Written by admin

Qaybtii Koobaad

Imaam Axmed Guray : Qaybtii koobaad

Suldaan Axmed Ibraahim Al ghazaali kasoo jeeda Reer Geesaale Abreyn Maxad case samaroon wuxu dhashay sanadka milaadigu marku ahaa 1507 kuna dhashay magaalada Saylac (Zeila) wuxuna ku geeriyooday gobolka Amxaarada sanadku marku ahaa 1543 gaar ahaan eeryada webiga Tana. Wuxu caan ku noqday dagaalladii u lagalay boqortooyadii amxaarada isaga oo bedel saameyn weyn ku sameeyey jiyuqraafiyadi geeska afrika ee waqtigaas. Qarnigii lix iyo tobnaad waxa wax ka qoray dawladihi ay is hayeen iyaga oo ku sheegey Axmed gran oo ka dhigan gurran halka ay soomaalidu ugu yeedho gurey.
Marka ay taariikhdu ahayd 1520 waxa boqorkii Harar oo la odhan jidhay Abuubakar ku kacay kacdoon siyaasadeed iyo mid diineed maadama u bixin jirey jizyo oo ay ka qaadi jireyn boqortooyada amxaaradu. Dadkii ayaa diiday in ay ku dhaqmaan ihaanadaas waxa is abaabulay siyaasiin iyo culumo.
Axmed oo nin da’yar ah ayaa ka qayb galay kacdoonkii socday waqtigaas wuxuna raacay amiir Maxfuuz oo ahaa ragga kacdoonka wada. Waxa guuleystay kacdoonkii Axmed Ibraahim oo markaas imaam noqday wuxu guursaday gabadh u dhalay Maxfuuz oo la odhan jiray Baati Del Wambra. Boqorkii harar waxa dilay Imaam Axmed waxana madax u uga dhigay walaalkiis oo la odhan jiray Cumar ibn Muxamad. Reer boqorkan waxa loo yaqaanay Aalu Walashmac, carab ayey ahaayeen ka yimid Yemen. Kacdoonka waxa waday dadkii soomaalida ahaa iyo canfartii iyo musliiminti kale ee deegaanka. Waqtigaas Oromadu intee badan muslim ma ahayn.
Buug la heley qarnigii 19 tobnaad oo ka warramaya taariikhdaas ayaa shegey sida tan : Imaam Axmed Ibraahiim wuxu diiday in u bixiyo jizyadii uu qaadan jiray boqor Dawit kii labaad oo ahaa boqorka amxaarada. Arrintaas waxa ay dhalisay in ay muslimiintii hankoogu kor u qaadmo midnimo qaran ay yeeshaan maadama reer boqorkii walashmaciintu ee carabta ahaa jizyo dhiibi jireen si ay kursiga u fadhiyaan. Boqorkii ayaa la yabay go’aankan u qaatay ninkan cusub. Waa marka u maqli doono Soomaali. Intii waqtigaa ka horeysey dhulka carab ayaa u talin jirtey iyaga oo bixiya jizyo si ay madax uga ahaadaan dhulka muslimiinta soomaaliyeed. Nin gabyaa ah oo ciidankii amxaarada la socday ayaa tix ku odhan doona ereyga “Somaali”. Sidaas ayu magaca Soomaali caan ku noqday.

Lasoco qaybta labaad Inshallah dagaalladii u galay iyo guulihii ay gaadheen Boqortoyaddii AdalEmpire.

Xuseenn Xaaji Barkhad.

COMMENTS
Latest News