Gabileynewsonline.com
Nuxurka shir ay yeesheen qeybo ka mid ah Jaalliyadaha SL ee Europe
June 24, 2020 - Written by admin

Nuxurka shir ay yeesheen qeybo ka mid ah Jaalliyadaha SL ee Europe
Shir ay ka soo qayb galeen;m  k

1.Guddoomiyaha Jaaliyadda belguim silverlight
2. Guddoomiyaha Jaaliyadda France
3. Guddoomiyaha Jaaliyadda Germany iyo
4. Guddoomiyaha Dalladda SSNL Holland.
oo ay ku qabsadeen aaladda internet-ka ( video conference) 22.06.2020 waxay isla gaadheen
qodobadan hoos ku xusan:-
1. waxay ugu horayn taageereen shirkii wadahadalada
Somaliland iyo Somalia ee jabuuti iyo 3da qodob ee ka soo Baxay, waxayna
u’arkaan inuu yahay shir ay somaliland sumcad wayn kaga kasbatay, bulshada
caalamkana qadiyadeeda ugu soo ban dhigtay fagaare caalamiya, sidaa darteed
waxay hambalyaynayaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi,
ergadii shirka kala qayb gashay iyo guud ahaan shacabka jamhuuriyadda somaliland.
2. Waxay qurbajooga Somaliland ku baraarujinayaan inay adkeeyaan midnimada iyo
wadajirkooda, doorkoodana ka qaataan halganka loogu jiro ka midha dhalinta qaddiyadda masiiriga
ah ee Somaliland.
3. waxay walaac weyn ka muujiyeen kaalinta Dalladda SSE ay ku lahayd abaabulka shir
weynaha Sannad laha ahaa ee SSE iyo Jaaliyadda oo aan haba yaraatee qabsoomin muddo
afar Sannadood ah oo ay igu dambeysay 2016 oo ay Jaalliyada Sweden marti gelisay.
4.waxay isla af garteen in ay kulan ama shir ay isugu yimaadaan jaaliyadaha Somaliland
ee europe si hawlaha wadamadan ka dhexeeya loo dardar geliyo isla markaana loogu sii
gogol xaadho ka midho dhalinta in sida ugu dhakhso badan uu u qabsoomo shir weynihii
sannad laha ahaa ee muddadaa dheer baaqday.
5. waxay islaqaateen in loo baahan yahay in wadamada
Holland, Belgium, France, Germany, Austria iyo Switzerland
ay yeeshaan iskaashi iyo wada shaqayn dhow, waxayna Jaalliyadaha
Kale ee Europe ugu baaqayaan inay is garabsadaan xidhiidh joogto ahna yeeshaan.
6. wadamadani waxay samaysteen ’’Xidhiidhiye” (coordinator)
oo loo doortay Cabdiraxmaan Wacays (Gudoomiyaha Jaaliyadda
Somaliland ee belguim)
7. ugu dambeyn shirku wuxu isku raacay in sidan oo kale aalaladda internetka ay bishiiba mar ku
qabsadaan kulamadooda.
Abdirahman Wacays; Xidhiidhiyaha ahna Guddoomiyaha Jaaliyadda Belguim

COMMENTS
Latest News