Gabileynewsonline.com
Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Waa Mid Dabaylaha Cadowgu Aanay Mijo-xaabin Karin
June 24, 2020 - Written by admin

 

Hargaysa (HP): Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaamuray  oo dawladnimadiisu xiddid iyo jirid adkaatay leedahay oo aanay suurtogal ahayn in dabaylaha cadowgu ay   si fudud u waxyeeleeyaan.

 

Jiritaanka Qaranimmada Somalilandna waa Qaddiyad shacbi oo aan ciddi waxba ka beddeli Karin isla markaana shacbi, Xukuumad, Goleyaal iyo axsaab siyaasadeed oo feejigani wadajir  indho-dheer ugu ilaashanayaan.

 

Wadahadalladii ay Jabuuti gogosheeda dhigtay ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya Toddobaadkii hore,  waxa ay  ahaayeen wada-xaajoodkii u adag, waxana  ergadii ka socotay JSL ay dedaal weyn u galeen in la qaato qoddobadii ay madasha keeneen.

 

Waxaanay si adag oo u difaaceen qarannimada iy qaddiyadda Somaliland, taasi oo shacbiga Somaliland kaga falceliyeen inay si aan kala hadh laheyn ay u soo dhaweeyeen weftigii Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay Khamiistii toddobaadkii hore.

 

Qodobbadii isafgaradka laga soo saaray waxa ay u badnaayeen qaar ka dhashay dooddii Madaxweyne Muuse Biixi iyo garnaqsigii Guddidii farsamo  ee Somaliland, sida arrimaha la xidhiidhay Gargaarka iyo Hawadda,mana jiraan wax arrintaas iska beddelay ama ka soo noqday oo liddi ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
Latest News