Gabileynewsonline.com
Somaliland: Wasiir Ka Hadlay Kufsi Ka Dhacay Xarunta Agoomaha Hargaysa
June 28, 2020 - Written by admin
    

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa  dhaliilay qaabkii loo buun-buuniyay dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa.

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiyadda mucaaradka, dad qurbe joog ah  iyo dad kaloo siyaasiyiin ah ay six un uga hadleen dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed-toorno), oo maanta warbaahinta la hadlay isagoo ku suagn magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, oo uu hawlo shaqo u joogo.

Waxaanu wasiir Toorno,  uga digay  xisbiyadda mucaaradka in ay ilaaliyaan qaran-nimadda iyo sumcadda xarunta agoomaha.

Daawo: Wasiir Toorno Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

 

COMMENTS
Latest News