Gabileynewsonline.com
Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay soo dhawaysay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.
July 10, 2020 - Written by admin

– Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay soo dhawaysay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Mareykanka ayaa arrin wayn ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka cad ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin wayn in wakhtigan la arko Taiwan oo sii xoojinaysa xidhiidhkeeda bariga Afrika xilli baahi wayn loo qabay.

“Taiwan waxaannu iskaashi wayn kala leenahay caafimaadka, waxbarashada, caawimada farsamo iyo waxyaabo kale oo badan.” ayaa lagu yidhi qoraalka Golaha Amniga Mareykanka.

In kasta oo dad badan oo siyaasadda dejiya Mareykanka ay si aad ah isha ugu hayaan wararka ku saabsan xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, dhawaaqyada ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ayaa muujinaya danaha Aqalka Cad ee Bariga Afrika iyo Somaliland gaar ahaan.

COMMENTS
Latest News