Gabileynewsonline.com
Xafiiska UK Ee Somaliland oo Soo Dhaweeyey Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Gaadheen
July 12, 2020 - Written by admin
    

Xafiiska dowladda UK ku leedahay Somaliland ayaa waxaa uu si weyn u soo dhaweeyay heshiiska sadexda xisbi qaran ee Somaliland ka gaadheen arrimaha doorashooyinka.

Madaxa Xafiiska Britain ee Hargeysa Stuart Brown ayaa sheegay in UK ay soo dhaweynayso heshiiska saddexda xisbi ee Somaliland ay ka gaadheen qabsoomida Doorashada golayaasha Degaanka iyo Baarlamaanka.

Mr Stuart Brown ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray in heshiiskani uu cadaynayo doorka Guddida doorashooyinka, Saamiga kuraasta iyo mudaynta wakhtiga kama dambaysta ah ee doorashada, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin talaabooyin muhiim ah oo hore loogu qaaday doorashooyinka Somaliland.

COMMENTS
Latest News