Gabileynewsonline.com
DASTUURKA SOMALILAND KUMA JIRTO IN SAAMI QABYALADEED LAGU QAYBSADO GOLAHA WAKIILADA. YAA KEENAY SAAMIGAN QABIILAYSAN ? QALINKII ENG MOHAMMED HAIBE HERSI
July 30, 2020 - Written by admin

 

Dastuurka jamhuuriyada somaliland oo soo maray heerar kala duwan ilaa 1993 ,waxa shacabka reer somaliland tiro dhan 97% u codeeyeen in uu noqdo xeerka lagu dhaqaayo jamhuuriyada somaliland, taas oo lagu ayiday afti 31 May 2001. Dastuurkan oo si qoto dheer u hagaaya haday noqoto fulinta, golayaasha baarlamaanka, garsoorka, xaquuqda muwaadinka , xaqa uu wadanka ku leeyahay, iyo xaqa uu wadanku ku leeyahay muwaadinka.
Qodobka 40aad ee dastuurku waxa uu ka hadlaaya, xubnaha golaha wakiiladu waxay ka kooban yahiin 82 xubnood, oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod bixin qarsoodi ah oo xor ah. Qodobkan 40 ee dastuurku waxa uu si cad u sheegayaa tirada xubnaha iyo sida lagu soo dooranaayo, kumana jirto in hab qabiilaysan golaha wakiilada lagu qaybsado. Sababta loo sameeyay sadexda xisbi qaran waa sidii aynu uga bixi lahayn qabiilka. Sharuuda jiritaanka ee xisbi kasta waxa ka mida in qabiilkasta uu ka dhex muuqdo xisbiga. Hadaba goorma ayay doodani ku soo dhexdhacday nidaamkeena.
November 2004 gudoomiyahii baarlamaanka mundane qaybe, ayaa waxa uu golaha ka codsaday, khabiir ka caawiya xeerarka doorashada ee golaha wakiilada.. waxa la hawlgaliyay nin khabiir ku ahaa sharciga oo lagu magacaabo Royal Samoora. Waxa la sameeyaya gudi ka kooban xubno ka mida golaha wakiilada iyo Royal Samoora. Sharcigii ay soo diyaariyeen gudigaas oo ku saabsanaa xeerarkii lagu dooranaayay golaha wakiilada ee cusub waxa la horkeenay baarlamaankii. 27 December 2004 waxa xubnaha golaha oo u badnaa xisbigii udub , waxay codayn diidma ah ku laleen xeerkii doorashada ee ay sida wada jirka ah u diyaariyeen khabiirkii Samoora iyo gudidii ay baarlamaanku u xilsaareen. January 2005 waxay golaha wakiilada oo u badnaa xisbigii udub soo saareen xeer xayiraaya qabsoomida golaha wakiilada, waxaanu u dhignaa sidan:
1- Samayn tiro koob rasmiya oo lagu qaybiyo saamiga kuraasida
2- In doorashadu ka wada dhacdo wadanka oo dhan oo ay ku jiraan sool iyo sanaag.
Golahaasi waxa uu yidhi doorasho la qabtaa waa xaaran, hadii aan labadan qodob la fulin. Shacabka reer somaliland waxa ay ka qayliyeen go’aankan baarlamaanku ku hor istaageen doorashadii, waxana lagu eedeeyay in xukuumadu ka dambayso. Madaxwaynahii Daahir riyaale si uu isku bari yeelo waxa uu codsi u gudbiyay maxkamada sare. Maxkamada sarena waxay laashay xeerkii uu golahu ku joojiyay in ay doorasho dhacdo.Waxa cad in golahii wakiilada ee waqtigaas uu keenay in si qabyaaladaysan loo qaybsado kuraasta wakiilada. Golaha wakiilada waa meel ay ku tartamaan sadexda xisbi. Mana aha dimoqradiyada aynu qaadanay darteed meel ay qabiilooyinku ku tartamaan, taas oo dawlad nimadeenii wax wayn u dhimaysa. Maadama ay golahan ku tartartamayaan xisbiyadu ma jirto cid ay ka maqan yahiin wax saami ah. Arinka golahuna waxa uu ka dhaxeeya sadexda xisbi oo ah kuwa tartamaaya. Golaha Guurtidu waa gole lagu qaybsan karo qabiil, si siman oo aan dhaxaltooyo ahayn. Xubnaha la soo dooranaayana waa in lagu xidhaa aqoon iyo waayo aragnimo dhaqan. Qodobka 8 ee dastuurku waxa uu qeexayaa in muwaadiniinta reer somaliland siman yahiin, qodobkan oo beeninaaya hadalka cali khalif galaydh oo dastuurka ku sheega mid dad gaara sad bursi siiyay. Madaxwayne ku xigeenka oo ah kaaliyaha kowaad ee madaxwaynaha sida uu dastuurku qoraayo waxa uu dalbaday in awooda loo kordhiyo, caqli kasta waxa uu fahmi karaa in laba naakhuude hal doon wada kaxayn karin. Dimuqradiyada ayaa u ogolaanaysa in laba qof oo wallaalo ah laba xisbi kala hogaamiyaan, taas oo qofku ku gaadho dadaalkiisa, waxaana kugu waajiba in aad kaga dayato dadaalkooda, oo aanad eegin waxa ay isku yahiin. Dastuurku waa sharciga ugu sareeya wadanka, qofkastana waxa waajib ku ah in uu ixtiraamo.

COMMENTS
Latest News