Gabileynewsonline.com
Dawladda Imaaraadka Oo Masuul Usoo Magacowday Madaarka Berbera
September 24, 2020 - Written by admin

Dawlada Imaaraatka carabta, ayaa agaasime u magacowday garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Agaasimaha cusub ee la magacaabay Dritan Gjonbalag, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Britain, ilaa hada si cad looma oga sababta keentay in dawlada Imaaraatka carabtu ay u qaado talaabadan oo aan waxba lagala socodsiin xukumada Somaliland,
Dawlada Imaaraat-ka Carabta ayaa hore heshiis ula saxeexatay dawladii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, heshiiskaas oo lagu sheegay in laga dhigaayo saldhig Milateri, garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay waxa mad madow soo kala dhex galay xukumada Somaliland iyo dawlada Imaaraatka Carabta,
Tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu daba gal ku sameeyay heshiisyadii hore ee ay saxeexday dawladii isaga ka horaysay ee Axmed Siilaanyo,
Dawlada Itoobiya ayaa shaki weyn ka muujisay saldhiga Milateri ee ay dawlada Imaaraatka carabtu ka dhisatay magaalada Berbera,
Dawlada UAE ayaan dhinaceeda fulin qodob ku jiray heshiiska saldhiga berbera kaasi oo ahaa in ay dhisaan garoon diyaaradeed oo laga dhiso berbera oo ay isticmaalaan diyaaradaha caadiga ahi.

Sanadkii hore ayuu Madaxweyne Muuse Biixi, sheegay in uu meesha ka saaray saldhigii milateri ee magaalada Berbera, kana dhigi doono garoon caalamiya oo ay isticmaalaan diyaaradaha rayidka ahi,, taasoo noqotay xuddunta muran ee soo kala dhexgashay labada dhican
Xukumada Somaliland ilaa hada kamay jawaabin, masuulka cusub ee dawlada UAE usoo magacowday garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Maamulaha cusub ee Gegiga dayaaradaha Berbera ee caalamiga ah Dritan Gjonbalaj , waxuu hore u ahaa Madaxa Hawada ee dalka KOSOVO

COMMENTS
Latest News