Gabileynewsonline.com
Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo U Ololaynaya Wasiir Saajin Inuu Ku Fadhiisto Kursiga Afraad Ee Xisbiga Kulmiye
September 26, 2020 - Written by admin
Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo U Ololaynaya Wasiir Saajin

Iyadoo uu keebiga soo saaran yahay wakhtigii loo qoondeeyey inuu Magaalada Hargeysa uu ka furmo shir weynihii afraad ee Xisbiga KULMIYE,islamarkaana ay inta badan qateen kaadhadhkii ergooyinka ka qayb-gelayey shirweynaha Xisbi xaakimka KULMIYE,ayaa waxa muuqata inuu sii xoogeystay loollanka u dhaxeeya masuuliyiinta ku loollamaya kursiga keliya ee lagu tartamayo shirka ee Guddoomiye ku-xigeen afraad ee KULMIYE.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland Wasiir Saajin ayaa si weyn ugu loollamaya jagadaas Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE waxaanay labada dhinac diideen inay isu tanaasulaan,kuwaasi oo la filayo inuu tartan addag ku dhex maro shir weynaha dhawaan ka furmaya magaalada Hargeysa ee KULMIYE .

Hase-yeeshee Warar Wargeyska Foore ka helay ilo rasmi ah, ayaa tibaaxay in siyaasiyiin xilalka kale duwan ka soo qaybtay Xukuumaddii kale dambeeyey ee Somaliland iyo qaar hadda xilal ka haya Qaranka oo ka soo jeeda Beesha Wasiir Saajin ay bilaabeen kullamo gooni gooni ah oo ay la qateen qaar kamid ah ergooyinka shirka KULMIYE ,kuwaas oo ay kaga dalbanayaan inay codka siiyaan Wasiir Saajin marka la gaadho shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE si uu ugu guulaysto kursigaas Guddoomiye xigeenka afraad ee Xisbiga oo uu hadda hayo muddane Saylici

Dhanka kalene xoggo ayaa intaas ku darray in siyaasiyiin arrintaas ka qayb-qaadanaysa ee sida weyn ugu ololleynaysa Wasiir Saajin uu hormeed u yahay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland iyo Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee golaha Wakiilada Axmed Yaasiin iyo masuuliyiin kale oo xilal ka soo qaybtay Xukuumaddii hore ee KULMIYE , kuwaas oo ay isku beel-yihiin Wasiirka u tartamaya Jagada Guddoomiye ku-xigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE,taas oo uu kula tartamayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo hadda xilkaas haya.

Ma jiro wax war ah  amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhinacyada kullamadan yeeshay,marka laga yimaado xoggees aanu helnay ee sheegaya inay ahayeen kullamo cod loogu weydiinayo Wasiir Saajin ergooyinka ardaayada ka qayb-galaya shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa dhawaan sheegay in uu si weyn ugu han weyn yahay rajoba ka qabo in uu mansabkaasi ku xigeenka afraad ku guulaysto.

Wargeyska Foore

COMMENTS
Latest News