Gabileynewsonline.com
Somaliland: Wararkii U Danbeeyay Ee Coronavirus
September 27, 2020 - Written by admin
    

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in tiradda dhimashadda, baadhista iyo inta qof ee ka bogsatay xanuunka Coronavirus.
Muddooyinkii u danbeeyay waxaa laga baadhay dad gaadhaya 268 qof, kuwaasoo 8 ka mid ah laga helay Covid19.
Guud ahaan Somaliland oo dhan tan iyo markii uu xanuunkaasi ka dilaacay waxaa laga baadhay caabuqa Covid19-ka tiro dhan 9985 ruux, iyadoo xanuunka laga helay 970.
Halka tiradda dadka ka bogsadayna ay tahay 844 qof. Waxaana guud ahaan u dhibtay xanuunka Somaliland oo dhan 332 qof.
Sida uu sheegay Dr. Xuseen Maxamed Yuusuf, madaxa xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda caafimaadka Somalilanf.
Dr. Xuseen, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood oo uu safar shaqo ku jooga ayaa tallooyin u jeediyay bulshadda.

Daawo: Dr. Xuseen Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

COMMENTS
Latest News