Published:

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor-dhawayd Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Roobe ee dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 215 Xildhibaan, waxaana Ra’iisul Wasaare Cod gacan taag ah kalsoonida ku siiyay 215 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada, mana jirin wax ka aamusay ama diiday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulan shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada u coddeynta Ra’iisul Wasaaraha, isagoona shaaciyay in la ansixiyay Maxamed Xuseen Roobe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya ayaa isla goobta ku dhaariyay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

News Related