Published:

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dhaliilay xukuumadda dhexe ee Somaliland iyo dawladaha hoose ee dalka in ay dayaceen waxyaabaha danta guud ah.

Waxaanu tilmaamay in ay baylah fara badani ka jirto dhinaca horumarinta goobaha danta guud, isla markaana xukuumadda dhexe iyo dawladaha hooseba ay ka seexdeen.

Eng. Faysal, oo ku sugan magaaladda Burco waxa uu sidan ka sheegay booqasho uu maanta ku tegay
Garoonka labaad ee Kubbadda cagta magaaladda Burco ee Xaaji Muuse Igarre.
Garoonkaasi oo ay si iskaa wax u qabso ah ku dhisayaan koox dhalinyarro reer Burco ah.

Wuxuu u mahad celiyay xubnaha ururka dhalinyaradda ah ee is-xil qaanka ah ku dhisay garoonkaasi.

Isagoona balan qaaday in haayadaha caalamiga ah iyo diblimaasiyiinta caalamka ee uu la kulmo u gudbin doono in ay gacan ka gaystaan dhismaha garroonkaasi.

 

News Related