Published:

    

Siyaasi Cali Maxamed Warancade, ayaa mid aanay waxba ka jirin oo dhalanteed ah ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kaasoo madal uu ka hadlayay ku tiraabay in Somaliland ay quus ka taagan tahay helitaanka aqoonsi caalami ah, isla markaana ay hadda u dhaw dahay in ay dib ula midoobaan Soomaaliya.

Hase yeeshee Cali Warancade, ayaa ku eedeeyay madaxda dawladda federaalka Soomaaliya in ay ka xun yihiin horumar kastoo ay Somaliland, iyadoo aanay marnaba doonaynin in Somaliland ay ku tallaabsato wax wanaag ah.

Waxaanu fariin u diray hogaamiyeyaasha dawladda Xamar oo uu ku tilmaamay in aanay u soo hanqal taagin Somaliland, isla markaana ay Somaliland wakhti hore go’aan ku gaadhay in aanay dib ula midoobin Soomaaliya.

Cali Maxamed Warancade, oo maanta u waramay Bulsho TV waxa kaloo uu ka hadlay arrimo faraa badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya iyo  sida aanay masuuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya u fahamsanayn dariiqii saxda ahaa ee ay midho dhal u noqon lahaayeen wadahadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Daawo: Cali Waran Cade Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

 

 

News Related