Published:

Home 
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe
    

Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa soo gabogabaysay Diwaan-galinta shaqaalaha Ku-meelgaadhka ah ee gobolka Maroodi-Jeex.

Hawshaasoo ay  haayaddu soo waday shantii cisho ee u danbeeyay.
Guddoomiyaha haayada shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe, ayaa ku bogaadiyay shaqaalaha Hay’adda hawshaas qaran ee ay wadeen mudooyinkii u dambeeyey, isaga oo intaas ku daray inay u dhabar-adaygeen dmudadii ay shaqaddu socotay.

Waxaanu tilmaamay in muddadii ay hawshaasi socotay ay shaqaalaha hay’addaasi shaqaynayeen saacado dheeraad ah si wakhtiga loo qorsheeyey ay ugu soo gabo-gabeeyaan hawshaas diwaangelinta shaqaalaha ku meelgaadhka ah.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe, waxa uu u mahad-naqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha Golaha Wasiiradda ee kaalinta ka geystay soo af-jarista guud ahaanba shaqaalaha Ku-meelgaadhka ah.

Iyadoo wixii hadda ka dambeeya tartan furan loo gali doono fursadaha shaqo ee Dalka kasoo baxa, arrintaas oo kor-u-qaadi doonta guud ahaan rejadda Dhallinyarada waxbaratay ee Somaliland.

News Related