Published:

    

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa habeen hore kulan la yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaasi oo muddo ka maqan Golaha.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal ayaa Muddo ka maqan fadhiyada Golahooda, iyagoo diiddan in doorashada Golaha lagu galo Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii.

Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu Xildhibaannada ka codsaday inay ku soo noqdaan Fadhiyada golaha Wakiillada ee ay ka dareereen kuna Gacan-siiyaan inay doorasho dalka ka qabsoonto, sidoo kalena ka hawl-galaan dejinta bulshada Gobolka Awdal.

Xildhibaannada oo aad ugu adag Go’aanka ay ka qaateen Qadiyadda Saami-qaybsiga ayaa sida ay Wararku tibaaxayaan waxay Madaxweynaha u sheegeen in aanay Go’aan gaadhi karin, balse ay Talo kula noqonayaan Bulshada Gobolka Awdal oo ay sheegeen inay aamisan yihiin in aanay doorashadan ku geli karin Saami-qaybsigii doorashadii 2005-tii, xilligaas oo uu Madaxweyne ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Xildhibaannadu ma sheegin wakhti go’an oo ay ku soo celinayaan jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixinayaan Dalabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa dhowaan go’aamisay in doorashada golaha Wakiillada ee dhowaan dalka ka qabsoomaysa lagu galo habkii lagu galay doorashadii 2005-tii, habkaasi oo ah ka ay diiddan yihiin Bulshada reer Awdal ee ay matalayaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Madaxweyne Biixi la kulmay.

News Related