Published:

(Berberatoday.com)-Khubaro ku xeel-dheer cilmiga Aataarta Qadiimiga ah ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in la aqoonsado Goobo Taariikhi ah oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaaas oo ay ka mid tahay Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel ee Somaliland.

Golaha Qaramada Midoobay

Golaha Qaramada Midoobay

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta Nature World News, Khubaradani ayaa baadhitaan ay sameeyeen ku soo bandhigay daraasad tooshka ku shidaysa khatar soo food-saartay dhowr goobood oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaas oo aan aqoonsi ka haysan hay’adda Dhaqanka u qaabilsan QM ee UNESCO, waxaana goobahan ku duugan raad-raaca taariikhihii hore ee bulshooyin kumanaan sanno ka hor ku noolaan jiray qaaradda Afrika.

Saamaynta cimilada adduunka, kor u kaca heerarka badda iyo caqabadaha kale ee la xidhiidha isbeddelka cimilada, ayaa halis ku haya sii jiritaanka Goobaha ay ku duugan tahay taariikhda Qadiimka ah sida lagu ogaaday cilmi-baadhis lagu daabacay jariiradda Azania, taas oo warbaahinta Somalilandpost ka soo xigatay warbixin  BBC ka daabacday.

Cilmi-baadhistan waxa natiijadeeda lagaga deyriyey xaaladda ay ku sugan yihiin Goobo ay ku yaallaan Aataarta Qadiimiga ah ee Qaaradda Afrika oo laga cabsi qabo inay waxyeello soo gaadho, kuwaas oo ay ka mid tahay Godadka Aataarta Qadiimiga ah ku duugan tahay ee Laasgeel oo ku taalla Bariga Gobolka Maroodijeex ee Somaliland.

Khubaradani waxa ay soo jeediyeen baahida loo qabo gurmad deg-deg ah oo arrintan lagu faro-geliyo si loo badbaadiyo goobahan dhaxalka ah ee ay ku duugan yihiin Aataarta Qadiimiga ah.

Goobahan xaaladdooda laga deyriyey waxa ka mid ah Magaalada Qadiimiga ah ee Suakin (Sookin) ku taala Waqooyi-bari dalka Suudaan, taas oo markii u horeysay la degay 3,000 sano ka hor. Waxa kale oo goobahan ka mid ah Dhismayaasha Qadiimiga ah ee Lamu oo ku taalal dalka Kenya, Xeebaha Jasiiradda Comoros, Qalcadaha iyo Qasriyada Xeebaha dalka Ghana, Farshaxanka Dhagxaanta ka samaysan eek u yaalla dalka Namibia.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxa jira dalal ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo leh Aataar Qadiimi ah oo aan diiwaanka ugu jirin hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka ee UNESCO laakiin u baahan caawimaad dheeraad ah si loo ilaaliyo. Waxaanay khubaradani ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan Goobaha taariikhiga ee Laasgeel ka mid tahay loogu aqoonsado Goobaha Caalamka loogu aqoonsan yahay ee la ilaaliyo.

Prof Clarke oo ah khabiir ka tirsan kooxda cilmi-baadhista samaysay, ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka ay ku yaallaan goobaha Taariikhiga ah ee ugu Cajiibka badan adduunka, sidaas ay awgeed loo baahan yahay in la badbaadiyo, waxaanu dhawaaqa khubaradani fursad siyaasadeed oo muhiim ah u yahay qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa xaflad lagu qabtay Laasgeel ka sheegay in sumcadda iyo magaca ay leedahay Aataarta Laasgeel wax weyn ka tari karto Qadiyadda Somaliland iyo aqoonsiga ay beesha Caalamka uga baahan tahay.

Sidoo kale, safiirka Midowga Yurub oo hadal ka jeediyey munaasibad dhawaan lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa halkaas ka sheegay weedho dhiirrigelin ah oo uu ku muujiyey muhiimadda iyo qiimaha ay leedahay Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel. Waxa uu Safiirku sheegay in Taariikhda ku duugan Laasgeel aanay ahayn hanti Somaliland leedahay oo kaliya balse ay tahay mid dunidu wada-leedahay oo in la wada-ilaashado u baahan.

SOMALILAND IYO MIDAWGA YURUB OO HESHIIS LAGU ILAALINAYO AATAARTA LAASGEEL KALA SAXEEXDAY 2020

SOMALILAND IYO MIDAWGA YURUB OO HESHIIS LAGU ILAALINAYO AATAARTA LAASGEEL KALA SAXEEXDAY 2020

Waxa xusid mudan in bishii March ee sannadkan ay Somaliland iyo Midowga Yurub kala saxeexdeen heshiis ku saabsan mashruuc lagu horumarinayo Goobaha taariikhiga ah ee Laasgeel. Mashruuca oo soconaya muddo 12 bilood ah waxa fulinaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

News Related