Published:

    Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga-Martinez ayaa waxaa uu maanta booqasho ku tagay jaamacada Hargeysa.

Safiirka ayaa kulan midho dhal ah la qaatay maamulka Jaamacadda oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Jaamacada.

Safiirka ayaa sidoo kale la kulmay Ardayda Jaamacada ee sanadkan. Wuxuu u sharaxay iyaga faa iidooyinka Barnaamijka Erasmus Joint Master’s program wuxuuna ku dhiiri galiyay dhamaan Ardayda gaar ahaan dumarka inay ka faa’iideystaan ​​fursadan qaaliga ah.

Horraantii sanadkan, iyadoo gacan ka heleysa Safiirka Midowga Yurub, Jaamacadda Hargeysa waxay bahwadaag la noqotay Jaamacadda Granada ee ku taal dalka Spain iyadoo loo marayo Barnaamijka Iskaashiga Erasmus Mundus

Wadashaqeyntani waxay u oggolaan doontaa labada Jaamacadood inay is dhaafsadaan ardayda iyo shaqaalaha, sidoo kale waxay sameeyaan baadhitaanno wadajir ah.

Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa ay qaadan doonaan qaar ka mid ah simistarkooda Jaamacadda Granada ee Isbaanishka sidaa darteedna ardayda Jaamacadda Granada ayaa loo oggolaan doonaa inay sidaas oo kale sameeyaan.

Labada Jaamacadood ayaa sidoo kale isweydaarsan doona shaqaalaha sanad walba, tani waxay u oggolaan doontaa labada dhinac inay wadaagaan aqoon, xirfad, iyo khibrad.

Laba iyo soddonkii codsade ee ka socda Jaamacadda Hargeysa ayaa waxay ku guuleysteen inay helaan Erasmus + Joint Masters Scholarship Program sanadkii la soo dhaafay, Jaamacadda, iyo sidoo kale EU-da, waxay filayaan in tirada codsadayaasha guuleysta ay kordhi doonaan sannadkan.

Jaamacadda ayaa sidoo kale abuurtay wadashaqeyn wanaagsan Barnaamijka Chevening Scholarship. Laga bilaabo sannadkan, ugu yaraan toddobo 7 ka mid ah codsadayaasha Chevening scholarship ee ka socda Jaamacadda Hargeysa ayaa loo tixgelin doonaa inay helaan deeqda waxbarasho.

Tani waxay u oggolaan doontaa ardayda ka qalin jabisay Jaamacadaha Somaliland inay helaan aqoon dheeri ah iyo khibrad.

Arrintan oo ay fududeysay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo Hay’adda Badbaadinta Carruurta ayaa qabtay kulan xog-warran ah bishii Oktoobar ee la soo dhaafay waxayna qaban doontaa isla kal-fadhigan bisha Oktoobar si ay uga caawiso ardayda qalin-jabisay iyo kuwa waayeelka ah ee danaynaya inay fahmaan hannaanka dalabka iyo barnaamijka guud ahaan.

Dhamaan ardayda qalin jabisay iyo waayeelka ayaa waxaa si xoogan loogu dhiirigeliyay inay codsadaan barnaamijyada ‘Erasmus + Joint Masters Programmes’ iyo barnaamijka Chevening Scholarship ee ardayda caalamiga ah sanadkan.

    

News Related