Published:

    Tirada diyaaradaha ciidamada cirka Shiinaha ee soo galaya hawada Taiwan ayaa walaac xooggan ku abuuray shacabka Taiwan, oo hadda is-weydiinaya haddii Beijing ay ugu dambeyn qorsheyneyso weeraro ka dhan ah kadib sanado hanajbaad ah.

Ciidamada cirka Shiinaha ayaa kordhiyey tirada duulimaadyada ka gudbaya xariiqda hawada labadan deris afartii bilood ee lasoo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin ay sii daysay wasaaradda difaaca qaranka Taiwan.

18 diyaarado militari oo Shiinees ah ayaa ka gudbay hawada Taiwan Jimcihii, waxaana xigay 19 kale Sabtidii, sida ay sheegtay wasaaradda. Diyaaradihii Sabtidii gudbay ayaa u duulay hab loo naqshadeeyey inay fuliyaan weeraro.

Iyada oo ka jawaabeysa, ayaa wasaaradda difaaca Taiwan waxay sheegtay in Jasiiraddan “ay xaq u leedahay inay is difaacdo oo ay sameyso weerar celis.”

“Iyada oo militariga Shuucigu ay sare u qaadeen daan-daansiga milatari iyo diyaar-garowgooda maalmihii tegay, iyo awoodda ay u leeyihiin inay weeraraan Taiwan, ciidamada Taiwan waxay isu diyaarinayaan xaalad dagaal iyo sida ay ula tacaali lahaayeen halistan,” waxaa sidaas bayaan ay Isniinta soo saartay ku sheegtay wasaaradda difaaca Taiwan.

Ra’yi uruurin ay sameysay Yahoo horranatii September ayaa muujisay in 64% shacabka Taiwan ay walaac ka qabaan dagaal qarxa, halka 33% ay sheegeen inaanay walaacsaneyn ama ayna aragti ka dhiiban.

China waxay sheegtaa in Taiwan ay ka tirsan tahay. Taiwan ayaa si iskeed ah isu maamuleysa tan iyo 1949-kii markii xisbigii Wadaniga Shiinaha ee uu hogaaminayey Chiang Kai-shek lagaga adkaaday dagaalkii sokeeyey ee ay la galeen Shuuciyiintuu uu hogaaminayey Mao Zedong, taasi oo qasabtay in Chiang saldhig ka dhigto Taiwan, kagana dhowaaqo dal.

News Related