Published:

Maroodiga da’da ah ee labka ah ayaa la ogaaday in kaalin weyn uu ka qaato badbaadinta nolosha jiilasha ka dambeeya, sidaas darteed, wuxuu xirfaddiisa, waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa uu u gudbiya kuwa ka yar yar, sida ay sheegtay daraasad ay sameysay ha’yad la socota maroodiga.

Maroodiga labka ah ayaa hogaamiyaa maroodiga yar, sida ay sheegeyso daraasadda.

Haddii qaab ugaarsi ah lagu dilo maroodiga labka ah waxay masiibo ku tahay jiilasha ka dambeeya.

Warbixinta oo lagu daabacay jornaalka arrimaha seyniska ayaa muujinayaa in maroodiga labka ah uu dhaqamadiisa iyo dabeecadiisa uu baro maroodiyada kale.

“Waxaa in muddo ah la ogaa in maroodiga deddiga ah uu soo saaro hogaamiyeyaal waxtar leh maadaama ay leeyihiin khibrad, sidaas lamid ah maroodiga labka ah wuxuu kaalin weyn ka qaataa hogaaminta jiilaasha kale” ayay tidhi Connie Allen oo ka tirsan jaamacadda Exeter iyo ha’yad u ololeyso ilaalinta maroodiga ee Afrika.

Cilmi-baadhayaashu waxay baaritaan ku sameeyeen in ka badan 1,250 maroodi oo lab ah kuwaas ku nool seeraha qaran ee Makgadikgadi Pans ee ku yaalla dalka Botswana.

Maroodiga da’da ah ayaa inta badan u muuqdaa in uu horkaco maroodiyada raxanta ah taasina waxay muujinayaa in uu ka waayo aragsan yahay kuwa kale maadama uu aqoon u leeyahay deegaanka iyo dhul dhaqaasimeedka.

Sirta Badbaadada:

Maroodiga da’da ah ee kaligii socodka ah ayaa inta badan adag in uu badbado, si kastaba, daraasad la sameeyay ayaa muujineysa in haddii la dilo maroodiga labka ah ee da’da ah ay ‘Masiibo’ ku tahay maroodiyada kale maadama meesha uu ka baxay tiir muhiim u ahaa noloshooda”Maroodiga ugu da’da weyn oo leh muddo tobonaan sano ah oo khibrad ah gaar ahaan dhul daaqsimeedka iyo ka faa’ideysiga kheyraadka muhiimka ah, sida ku xusan daraasaddeena, waxay u muuqataa in uu leeyahay awood uu ku hogaamiyo maroodiyada kale ee labka ah” sida ay sheegtay Connie Allen.

“Waxay muujineysa, in maroodiyada da’da yar ee hadda nolosha ku hor leh inay ku tiirsan yihiin kuwa da’da ah gaar ahaan inay gabaad iyo wehel ka raadsadaan marka daaqayaan”

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii in ka badan raqda 275 maroodi ah laga helay waqooyiga waddanka Botswana.

Waxaan dhimashadiisa loo aaneeyay sun dabiici ah.In ka badan 20 maroodi ah ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe kaddib markii uu ku dhacay xannuun looga shakiyay in uu ka dhasha bakteeriyada ama in daal iyo harraad kaddib markii ay soo jareen masaafo dheer si ay u raadsadaan biyo iyo baad.

News Related