Published:

    

Saraakiil ka kala socota dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa ay maanta shir balaadhan ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagaga wada hadlayay sii-xoojinta Amniga iyo Nabadgalyada dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa Shirkani dhinaca Somaliland uga qaybgalay Wasiirka Arimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin, Taliye ku xigenka ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdi Xasan iyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Shirkan ayaa waxaa dhinaca dalka Itoobiya iyaguna uga qaybgalay Hogaanka Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim, Taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ah ee Liyuu Booliska, Genaraal Maxamed Axmed Muxumed, Wasirka xafiiska waraabka iyo dooxooyinka DDS Mudane C/raxman Ciid Daahir, Taliye kuxigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Itoobiya.

Kulankani oo saacado socday ayaa lagu gorfeeyay, qaabkii si wada jira looga shaqayn lahaa xoojinta amniga, maadaama Somaliland iyo Deegaanka Soomaalidu ay wadaagaan Xuduud dheer, ayna yihiin shacab walaalo ah oo wadaaga , Diin, Dhaqan, Aff, iyo Isir.

          

News Related