Published:

    

Alaah ha u naxariistee waxaa wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta maanta ku geeriyooday Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin.

Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin ayaa sanadkii 1968 lagu caleemo saaray magaalada Berbera, markii uu geeriyooday aabihii Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ay ka soo wareegtay muddo 52 sannadood ah oo uu hayey masuuliyada suldanada guud.

Waxaana marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin lagu xasuusan doonaa arimo badan oo ay ka mid yihiin in aanu mudadaa lagu dhex arag arrimaha siyaasadda oo aanu ku milmin.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka reer Somaliland, eheladii, qaraabadii iyo Qarankaba ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle haw naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo maanta dalka Imaaraadka Carabta ku geeryooday.

Warqad tacsi ah oo kasoo baxday qasriga madaxtooyadda Somaliland, nuqul kamid ahina soo gaadhey Warbaahinta Hargeisapress ayaa u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2020, dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiirka baxay bahda dhaqanka Somaliland, iyadoo sanadkii 1968 lagu caleemo saaray magaalada Berbera, markii uu geeriyooday aabihii Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ay ka soo wareegtay muddo 52 sannadood ah oo uu hayey masuuliyada suldanada guud, waxaana lagu xasuusan doonaa marxuumka in aanu mudadaa lagu dhex arag arrimaha siyaasadda oo aanu ku milmin.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

News Related