Published:

    

-Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Waddani ayaa si weyn u soo dhaweeyey wareegtadii shalay ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ee ahaa in si dhex dhexaad ah oo dheelitiran ay Warbaahinta Qaranku u baahiso Wararka iyo barnaamijyada xisbiyada mucaaridka.

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa soo dhaweeyey wareegtadii shalay ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ee ahaa in si dhex dhexaad ah oo dheelitiran ay Warbaahinta Qaranku u baahiso Wararka iyo barnaamijyada xisbiyada qaranka.

Ugu horeyn waxa uu xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse C.laahi ayaa bogaadiyey wareegtadaas oo ahayd go’aan uu qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay soo saareen mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, wuxuu xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga UCID sheegay in wararka iyo barnaamijyada xisbiyada mucaaridka uu Dastuurka dalka iyo xeerarka dalka u degsani ay Xaq u siinayaan in warbaahinta dawladda laga siidaayo, isaga oo intaas raaciyey in madaxweynuhu ku dhiiraday arrintaas isla markaana ay xisbi ahaan soo bandhigi doonaan Wixii Galdaloolo ah ee jira, wuxuuna xusay in xisbiyada mucaaridku yihiin muraayada ay xukuumaddu ka eegeyso dhaliilaheeda iyo meelaha u baahan in ay wax ka qabato.

Sidoo kale, xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID waxa uu is-dultaagay kaalinta ay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelintu ugu jirto qaranka, iyo baahida loo qabo inay Kaalinteeda ka qaadato Korinta Wacyiga guud ee Bulshadda, isaga oo intaas ku daray in wareegtadaas iyo nuxurkii ay xambaarsanayd laga dhabeeyo oo si dhab ah loo hirgaliyo, Xoghaye Yuusuf Kayse C.laahi wuxuu intaas ku daray in Wareegtadan Shacabka somaliland gudo iyo dibadba ay si mug leh u soo dhaweeyen Kaas oo wax weyn ka bedeli doona sida uu sheegay Tayada wararka iyo barnaamijyada warbaahinta dawladda.

Waxa kale, oo xoghayaha warfaafinta UCID shirkiisaa jaraa’id kaga hadlay arrimo la xidhiidha maceeshada iyo waxyaabaha nolosha bulshadda saameynta ku leh isagoo xukuumadda u soo jeediyey in ay talaabo ka qaado.

Dhinaca kale, Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyey wareegtadiid ay soo saartay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ee ahayd dhex-dhexaadnimada wararka iyo barnaamijyada xisbiyada qaranka.

Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga Waddani waxa uu soo dhweeyey talabadaas ay qaadeen masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, wuxuuna tilmaamay in ay ahayd in mar hore la qaado, isaga oo intaas ku daray in warbaahinta dawladdu tahay mid qaranku wada leeyahay isla markaana ay xisbiyada qaranka iyo bulshaduba u siman yihiin, wuxuuna soo jeediyey in wixii ummadu wada leedahay si siman oo caddaalad ah loogu sinaado, isaga oo tilmaamay in shaqaalaha wasaaradda warfaafintu yihiin kuwo xirfadeeda iyo aqoonteeda leh in ay si hufan ugu adeegaan bulshadooda.

Waxa kale, oo uu xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga Waddani uu kula taliyey wasaaradda warfaafinta in ay qaado talaabooyin kale sida dhamaystirka xeerka saxaafada wixii ka dhiman, isaga oo warbaahintana madax bannaana u soo jeediyey in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerka saxaafada ee dalka, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya magaca iyo sharafta qofka muwaadinka ah.

News Related