Published:

    
Ururadda Bulshadda Rayidka ah ee Somaliland ayaa waxaa ay si weyn u cambaareeyeen go’aankii uu golaha Wakiiladdu kaga saaray Xeerka Doorashooyinka Qoondada Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Waxaana sidaasi lagu sheegay war ay maanta soo saareen Ururada bulshada Riyidka Somaliland, waxa uu u dhignaa sidan:-

Taariikh: 28/9/2020
BAAQ (DECLARATION)
Ujeeddo: BAAQ ay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo ku saabsan laalista Qoondada Haweenka ee doorashada golaha Wakiiladda iyo Golaha DegaankaMudanayaal/ Marwooyin

Sida aad ka warqabtaan, Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan-dhaqaale iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ah  codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Waxaa xusid mudan in aan bulshada dareensiino in aaney haweenku ka muuqan meeqaabka dawladimo ee jira sida golayaasha deegannka oo ah halka baahiyaha aasaasiga sida biyaha, caafimaadka , nadaafada iyo daryeelka dantayarta ee bulsho lagu jaangooyo, iyo golaha wakiilada oo ah meesha laga dejiyo  siyaasaddaha iyo shuruucda lagu hago  bulsho caafimaad qabta ta.
Taasi waxay cadeyneysaa kala dhantaal ku jiro nidaamka dimoqaraadiyadda iyo tallo wadaaga madama ay bulshada intii u badneyd ay ka maqantahay sida haweenka oo oo tirada kaga jirtaa tahay ka  kooban tahay 2.6%..
Waxaa ayaan darro ah in marnaba aaney ka suurtagalin dawaladda, golayaasha, qaranka, xisbiyadda in arimahaas wax ka qabtaan iyagoo waafijinaya shuruucda wadanka. Ma jirto qodob dastuuri ah oo diidaya in arrimaha u baahan dib-u-eegis la sameeyo oo shuruucda la waafijiyo, sida u cadeeyay  garyaqaanka guud iyo Dastuurkuba.
Sidaa awgeed, Ururadda Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka niyad jabsanyihiin go’aanka shaley oo bishu ahaey 27/9/2020 ee golaha wakiiladdu ku laaleenka qoondada haweenka.
Waxaan bulshada Somaliland u cadeyneynaa in Haweenka somaliland dadaalkooda aaney ka Daaleyn, ku talagalkooduna u yahay in haweenku waddanka wax ku yeeshan.
Ismahaan Abdi salaan
Gudoomiyaha Dalada NAGAAD
Hoos ka daawo muuqaalka

News Related