Published:

    
 Wasaaradda Waxabarashada Somaliland ayaa shaacisay in sannadkan Ardayda ka baxday Dugsiyada Dawladdu ay ka sarreeyeen kuwa Dugsiyada gaarka loo leeyahay.
Sidoo kale Ardayda wax ku barata meelaha ka baxsan magaalooyinka waa weyn ayaa ka sarreeyay Ardayda magaalooyinka waa weyn.1. KAALINTA 1AAD waxa galay ardayda dhigata dugsiyada dawladda ee miyiga ku yaalla oo keenay 80%.

2. KAALINTA 2AAD waxaa ku jira ardayda dhigata dugsiyada dawladda ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 70%

3. KAALINTA 3AAD ee ugu hoosaysa waxaa fadhiistay ardayda dhigata dugsiyada gaarka ah ee magaalooyinka ku yaalla oo keenay 66%.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku sababaysay  kor u kaca ku yimi Dugsiyada Dawladda laba sababood oo kala ah.

In la Tayeeyay Aqoonta Macallimiinta dhigta Dugsiyada Dawladda iyo tirada Ardayda Fasallada  ka kooban kuwa gaarka loo leeyahay.

News Related