Wiil yar ayaa maanta Maydkiisa laga helay Buundo ku taalla Hotel Xamdi gaar ahaan degmada Axmed Macallin Haaruun ee magaalada Hargeysa.
Wiilkan yar oo aan la xaqiijin da’diisa ayaa waxaa Maydkiisa laga helay dhaam biyood biyo fadhiisin ah.
Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa Wiilka yar maydkiisa ka soo saaray goobtaasi.
Maydka Wiilkan yar ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Booliiska gaar ahaana kuwa bembi-baadhista.
Ilaa iyo hadda lama oga waxaa sababay maydka wiilkan yar ee laga helay ceel biyoodkaasi, inuu daad soo qaaday iyo inuu si kale u dhintay.
Caruur badan oo waalidiintooda ka soo dhuunta ayaa taga goobaha ay biyuhu fadhiistaan ama ceelasha ah, si ay ugu dabaashaan, waxaana xilliyada qaar caruurtaasi ay la kulmaan inay ku dhintaan goobaha ay biyuhu fadhiistaan, iyaga oo aan waalidkooda ka warqabin.