Published:

    

Qaar ka mid xisbiyada mucaaradka ee dalka Jabuuti ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen doorashada la filayo inay dalkaasi ka dhacdo.

Xisbiga RAAD oo ka mid ah xisbiyada mucaaridka Jabuuti ayaa maanta warqad u diray Ururka Midowga Africa, warqadan ayay ku sheegeen baahida loo qabo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka Jabuuti iyo sida aanay dowladda Jabuuti u hirgelin codsigii kormeerayaasha mudowga Africa ee doorashooyinkii kala dambeeyay ee dalkaasi ka dhacay ku aadanaa.

Waxa ay warqadaasi ku sheegeen in Doorashada madaxweynaha Jabuuti ee Abriil 2021 ay noqoto mid daahfuran, islamarkaana ay shacabka Reer Jabuuti xaq u leeyihiin inay si xor ah oo hufan u doortaan madaxdooda.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

News Related