Gabileynewsonline.com
“Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin, Waxa Ay Noqdeen Laba Nin Oo Kaligood Ku Dheelaya Gegi Looga Caagay”Waxa Qoray Ahmed-xiis Dharban
October 2, 2020 - Written by admin

“Meel hoose ayaan siyaasadda kasoo fantay” waxa mar walba ka hormara nasiibka ama waxa ay Reer Hawdku u yaqanaan ‘burjiga’. Maanta wixii ka horrayey, wasiir Saajin in loo wado Madaxweyne iyo JIbriil Yoonis inay kaga adkaan doonaan Maxamed Case Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxa ay ahayd dhallanteed iyo riyo maalmeed, hayeeshee, haddalkii qiirada lahaa ee Saylici ka qubanayey subaxan saaka ah, iyo sidii aqoonyahankii weynaa ee Ina Samatar loogu macna tiray Xisbiga Kulmiye gudihiisa, ayaa noqday cadceed duhur joogta.

Saylici waxa uu qiray wiilkisii inuu la tartamay, waxana uu isticmaalay kalmadda ‘tanaasul’ inkasta oo la ogyahay dhulka in lagu jiiday sumcaddiisa. Su’aashu waxa ay tahay beesha uu kasoo jeedaa ma aqbali doonaan xaqiraadda kaga timid Kulmiye? Waayo, Saylici waxa la dhaafiyey maaha ku-xigeen ee waa madaxtinimo. Waxa kale oo isaguna Kulmiye si aan cidiba dareemin ugu dhex saqiiray hankii Suldaan Dhawal iyo wasiirkisii Axmed M. Seed! Waxa la sugaaba waxa weeye “constituency” ga Saylici iyo “constituency”ga Ina Muumin ma ku daba fayli doonaan “constituency”ga Wasiir Saajin?

Wasiir Saajin sida muuqata waxa uu raacayaa laynkii qaboobaa ee lagu hanan jiray kursiga ugu sarreeya Somaliland. Saajin waa masuul aqoontiisu tahay xisaabaadka (accountant) sida Farmaajo oo kale. Xisaabaadku (accountant) waa dariiqa loo maro qaniimadda. Dadka wararka wasiirka hayaana, waxa ay ku tilmaamaan inuu yahay nin ladan oo waliba meelo kala gedisan kasoo saara maalka. Waxa igu maqaalo ah, mar inuu Holland iibsaday dhawr sac oo ugu talo galay baacmushtar. Dhaqashada iyo beeraha waa dabeecad ay iskaga dhaw yihiin Muuse Biixi.

Muuse oo saaxiib mudo dheer la ahaa Guddoomiya Jaamacadda Camuud, isla markaana kusoo barbaaray magaalooyinka Jabbuuti iyo Borama waxa la odhan karaa “waa nin la dhaca hab-dhaqanka degen ee la saadalin karo ee ay caanka ku yihiin Reer Galbeedka”. Sababaha uu Muuse u caashaqay wasiirka afga gaaban ee Saajin, ayaa la odhan karaa, waxa ka mid ah: Muuse in uusan mustaqbalka dhaw jeclaysanayn taladu inay ka talawdo dawga Sheekh”

Muuse iyo Maxamed oo wakhti xaadirkan iyagu ah ‘state’ka Somaliland ‘xisbiga’ Somaliland, iyo sharciga Somaliland’e – waa halkii boqorkii Faransiiska ee la wayddiiyey “horta boqorow Qaranku (“état) waa ayo?” ee yidhi “l’état c’est moi” – Qaranku waa Aniga. Waxa ay noqdeen laba nin oo kaligood ku dheelaya gegi looga caagay, warar hoose ayaa sheegaya, Kaahin inuu ku xasili doono ku-xigeenka Saajin, waa marka saaxiibkii istaago haakah. Markaa dabadeedna, reer New Hargaysa laga soo saaro masuul lagu dul maamulo talada, kaddibna meel kale – waaba boqol sano oo lasii dajiyey.

Nadaamka aynnu qaadanay ee Dimuqraadiga ah, aqoonyahanku waxa ay ku fasiraan nadaam ogol dhawr indheergarad (élites) oo kale duwan inay ku dhex tartamaan gudihiisa, hayeeshaa waxa hal bacaad lagu lisay nadaalka ka dhigay Xisbiga UCID oo isugu aalaaba hoosta kala shaqaysta xukumadda markaa dhisan, iyo markii dambe oo Xisbiga naga WADDANI tahli kari waayey inay dajiyaan qorshe ku dhisan aragti oo lagaga hortago indheergaradka qabeeya siyaasadda Xisbiga Kulmiye.

Waxa qoray Ahmed-xiis Dharban

COMMENTS
Latest News